Hargaysa (Dawan):-Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa beeniyay eedaymo maamulka Putland ee Soomaaliya usoo jeediyeen guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.
Waxaanu xildhibaankuku eedeeyay dagaalka soo noqnoqday ee labada beelood ku dhex maray koonfurta gobolka Sool in ay ka dambeeyaan oo ay labada beelood colaad ka dhex hurinayaan maamulka Puntland.
Waxaanu intaa raaciyay mudane Nacnac in aanay colaad ay beelaha Somaliland dhex huriso Puntland in aanay ku helayn dhul iyo dad midna.
Xildhibaanka oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa,ayaa yidhi. “Waxaan leeyahay waa Beentood qoladii Putland ee lahayd guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa dabada ka wada dagaalkaa ka dhacay Dhumay,waana ka beri guddoomiyahayagu dagaalkaa waa arin lagu qoslo oo lala yaabo guddoomiyahayagu 20 cisho ayuu u dhaxay sidii uu nabad u dhex dhigi lahaa labadaa beelood ee walaalaha ah.imikana wuu tegayaa odayaashii labada reer waatii la dhaariyay cid ku fashilantayna ma jirto iyaga Putland ayaa ka dambeeya dagaalkaa ayaanu leenahay Qudhaanjecel iyo Balaayo jecel ayaa ka dambeeya,waxaanu leenahay Putland faraha kala baxdo labadaa reer ee walaalaha ee aad isku diraysaan,dhulna ku heli maysaan dadna ku helimaysaan ayaan leeyahay.”
Waxaa kale oo uu ka hadlay fal dad isku cumaamadeen oo dhawaan Hargeysa ka dhacay oo uu sheegay in ay ahayd sharci darro aan loo baahnayn.
Waxaanu yidhi xildhibaanku. “Sharciga dalka u yaalla lagama boodi karo sharci ayaana lagu doortay golaha deegaanka ee Hargaysa anigana berri ayay iska odhanayaan waanu ridnay waxaanay dadweynuhu xaq u leeyihiin in yidhaahdaan waxaas ayaanu uga baahannahay golaha deegaanka laakiinse waanu ridnay wax soconaya maaha waayo dad baa doortay golaha deegaanka Balligubadlena waxaan leeyahay buuqa innaga daaya waxa idiin hadhayba waa maalmo magaalada Baligubadle Cagaf ayaa loo soo iibiyay”.
Dawannews Hargeysa office