Shaqaalaha Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha oo loo soo Xidhay Tababar lagu Barayay Dastuurka

0
347

Hargaysa (Dawan):-Masuuliyiinta Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka Somaliland ayaa tababar socday muddo labo bilood ah usoo xidhay Shaqaalaha isuduweyaasha iyo shaqaalaha wasaaradda oo lagu baranayay dastuurka dalka.

Munaasibad loo qabtay xidhitaanka tababarkaas, ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Xeer illaaha guud ee qaranka Xasan Axmed Ducaale, Agaasimaha guud ee Wasaarada xidhiidhka golayaasha Maxamed Xuseen Dhabbeeye,madaxda qaybaha kala duwan iyo shaqaalaha wasaaradda iyo marti sharaf kale.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan oo xidhitaankii hadal ka jeediyay,ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dadku ay bartaan dastuurka dalkooda iyo xeerarka ka farcama si ay u ogaadaan xuquuqda ay leeyihiin iyo waajibaadka saaran.

“Ummad waliba waxay leedahay xeerar iyo Dastuur ay ku shaqayso oo u jideeya waajibaadka ay kala leeyihiin qabyo iyo qalad toona lama waayo,waxaynu qaran qabyadiisu yartahay aynu ku heli karnaa marka aynu Dastuurkeena barano,ummadduna waa in ay bartaan waajibaadka ay leeyihiin.”

Agaasimaha Guud ee Wasaarada,ayaa ka hadlay ujeedadii tababarka iyo waxyaabaha uu ku saabsanaa “Tababarkani waxa uu ku sahabsanaa oo lagaga hadlayay sidii Shaqaalaha Wasaaraddu u baran lahaayeen Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,waxaanu socday muddo labo bilooda iyo waxoogaa ah waxaanan doonaynaa in aanu soo gabogabayno dadkii Tababarkan ka qayb qaatayna waan u mahadnaqayaa,”.

Xeer illaaliyaha guud ee qaranka oo isna ka hadlay xidhitaankii tababarkaas ,ayaa soo dhaweeyay in shaqaalaha wasaaradda la baro dastuurka qaranka,waxaanu soo jeediyay in shaqaalaha dawladda oo dhan la baro dastuurka isla markaana loo gudbo in guud abaan bulshada oo dhan la baro dastuurka dalkooda.waxaanu yidhi “Way fiicantahay In shaqaalaha Wasaaradda la baro Dastuurka iyo dadka reer Somalilandba, in shaqaalaha dawladda dhamaantood la baro waa muhiim,dadkuna ma wada yaqaanaan Dastuurka”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply