Somalilland oo ka Qayb-gashay Shir Caalamiya oo ka Dhacay Dubaia

0
351

Dubai (Dawan) Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qayb galay shir caalami ah oo ka dhacay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, kaas oo socoday muddo laba maalmood ah, isla markaana ay ka soo qayb galeen khubaro ka socotey dalalka caalamka intii uu shirku socoday.

Shirkaasi ayaa waxa lagaga hadlay sidii duniddu iskaashi uga sameyn lahayd dhincyadda dhaqaalaha tamarta, waxaana Somaliland shirkaasi uga qayb galay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Somaliland Liiban Yusuf Osmaan, waxaanu kulamo gaar gaar ah la yeeshay khubaradda shirka ka soo qaybgashay, waxaanu khuboradaasi xog warran ka siiyay kheyraadka dihin ee dhinaca tarmarta iskaashiga dhaqaalaha, ammaanka iyo ilaalinta deeganka.

wasiir ku xigeenku arrimaha dibadd Somaliland ayaa la wadaagay xubnihii shirka soo qabgalay qoraalo ka warama kabayaasha hormarka sida ,dhaqaalaha siyaasada arrimaha dibedda , siyaasadda maalgashiga ka faa’iidaysiga tamarta laga helo qoraxda dabaysha iyo doorka ay ka qaadanayso ilaalinta deegaanka Somaliland oo dunidu iskaashi ka dhexeeyo.

Shirweynaha Caalamiga ah ee Dhaqaalaha Dunida (WGES), mid ka mid ah shirarka caalamiga ah ee ku saabsan dhaqaalaha cagaaran, Dubai. Isu-keenidda khubaro heer sare ah, waxay diiradda saari doontaa horumarinta dhaqaalaha cagaaran ee caalamiga ah iyo ajandaha joogtaynta shirka mudada uu socoda

Shirkii Waddaga Dhaqaalaha Dunida Wuxuu isu keenayaa khabiiro heer caalami ah oo ka shaqeeya qaybaha muhiimka ah aduunka oo dhan si loo gaadho dhaqaalaha caalamiga ah ee cagaaran iyo qorshaha waaritaanka, Himilooyinka Horumarinta ee Qaramada Midoobay.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Horumarinta Dhaqaalaha ee Caalamiga ah ee World Green Economy, oo lagu qabtay magaaladda dubai ee isku taga-emaraadka carabta waxa ka soo qaybgalay Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Raiisal Wasaare Ku-xigeenkii UAE, iyadoo la kaashanaysa Golaha Sare ee Golaha Shacabka.

Shirku wuxuu soo bandhigayaa xalal cusub iyo hannaan hormuud ah si loogu dhiirrigeliyo isbedelka, abuurayaan jawi sahlan iyo habka deegaanka si loo helo kobcitaan cagaaran oo wax ka qabta baahiyaha hadda iyo mustaqbalka Shirkan ayaa lagaga hadlay saddex qodob oo kala duwan:

Hogaanka iyo ka qaybgelida bulshadda.

Green Capital

Teknoolojiyada Casriga ah .

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Somaliland ,liibaan yusuf cusmaan ayaa kormeer ku tagey safaradda Somaliland ee dubia iyo kulankii uu la yeeshay wakiilka Somaliland yasniin hirad oo uga xog waramay shaqadda safaradda iyo kaalinta ay ku leedahay horamarka dalka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply