Ciidanka Illaalada Xeebaha oo Qabtay Doonyo iyo Kalluumaysato Ajaanib ah

0
375

Berbera (Dawan):- Taliyaha ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland ee gobolka Saaxil Gaashaanle Sare Haaruun Siciid Cali, ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen 22 badmaaxe, kalluumaysato sharci darro ah iyo laba doonyood oo ay wateen, kuwaasi oo ay ku soo qabteen deegaanka Karin ee gobolka Saaxil.

Taliye Haaruun, ayaa sheegay in markii ay ka war-heleen in doonyo sharci darro ahi ay soo galeen badda gobolka Saaxil in ay ka hawl galeen ciidanka Illaalada xeebaha Somaliland isla markaana ay habeen hore gacanta ku soo dhigeen 22 badmaaxe ee kalluumaysatada ah oo si sharci darro ah kaga kalluumaysanayay badda Somaliland, gaar ahaan gobolka Saaxil deegaanka Karin, kuwaasi oo u dhashay dalka Yemen iyo laba doonyood oo ay wateen.

Waxaanu intaa raaciyay in ay u soo dhaadhiciyeen magaalada Berbera oo ay ku xidhan yihiin, laguna hayo illaa 500 oo KG oo kalluun ah oo ay si sharci darro ah uga kalluumaysteen badda Somaliland.

Taliye Haaruun oo waraysi gaar ah khadka taleefanka ku siiyay wargayska Dawan, ayaa isagoo ka hadlaya kalluumaysatada sharci darada ah ee ay soo qabteen waxa uu yidhi. “Ciidanka Illaalada xeebuhu mar kasta waxay ku jiraan heegan iyo kor meer oo waxay u taagan yihiin in ay sugaan ammaanka iyo bad qabka badda Somaliland oo aad u dheer.

Habeen hore ciidanka badda oo hawl galkoodii caadiga ahaa ku jira ayaannu ka war helnay kalluumaysato sharci darro ku soo galay badda gobolka Saaxil isla markiibana waannu ka hawl galnay, waxaanan ku soo qabanay 22 badmaaxe kalluumaysato ah oo u dhashay dalka Yemen iyo laba doonyood oo ay wateen oo ku sugan deegaanka Karin ee gobolka Saaxil oo sita illaa 500 oo KG oo kalluunkii Somaliland ah oo ay si sharci darro ah u kalluumaysteen, waxaannu keennay oo ay ku xidhan yihiin magaalada Berbera iyaga iyo doonyahoodiiba maxkamad ayaanan u gudbinaynaa.”

Taliya oo la waydiiyay hannaanka ay u wada shaqeeyaan kalluumaysatada reer Somaliland iyo ciidanka badda ee qaranku,ayaa yidhi. “kalluumaysatada reer Somaliland waa dad wanaagsan oo si tabaruc ah dalkooda ciidan ugu ah oo iyaga ayaa nalashaqeeya oo mar walba aanu kala war qaadanaa oo xidhiidh joogto ah ayaanu wada leenahay kaalintooda illaalinta baddana way ka soo baxaan oo iyaga ayaaba ciidan isu arka oo dhankooda badda ka illaaliya waxay garan waayaanna way nagu soo war geliyaan.”

Taliyaha oo ka hadlayay waxyaabaha ugu badan ee ay lakulmaan iyo hannaanka ay u hawlgalaan,ayaa yidhi. “horta ciidanka lama waydiiyo hannaanka ay u hawl galaan ee waxaa la waydiiya waxay qabteen imika waxaanu qabanay waa 22 nin oo Yemen u dhashay iyo laba doonyood oo ay wateen,waxyaabaha ugu badan ee aanu la dagaalano waxaa ka mid ah kalluumaysatada sharci darada ah,tahriibta iyo cid kasta oo cadaw ku ah badda Somaliland,waxaanan u sheegayaa cid kasta oo isku dayda in ay badda Somaliland gaar ahaan gobolka Saaxil in aanu gacan wax kaga qaban doono oo aanu sharciga hor keeni doonno una soo qaban doono sida kuwan imika oo kale.”ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Illaalada xeebaha gobolka Saaxil Gaashaanle Sare Haaruun Siciid Cabdi oo waraysi gaar ah khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply