“Goob-joog Kamaan Ahayn Meel Silaanyo Isku Casili Gaadhay” Maxamuud Xaashi

0
353

Hargeysa-(Dawan)- Wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada Somaliland ee xukuumaddii Madaxweyne Axmed Silaanyo, ayaa waxba kama jiraan ku tilmamaay qoraal ku jira buugga Miga illaa Madaxtooyada ee uu qoray hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in aanu goob-joog ka ahayn meel ama madal madaxweyne Silaanyo ku codsaday in uu is casilo sababo la xidhiidha xaaladdiisa caafimaad. Sida uu buugiisa ku sheegay hoggaamiyaha Xisbiga Waddani in bishii siddeed, sannadkii 2010 uu madaxweyne Silaanyo ka dalbaday in uu is casilo sababo la xidhiidha xaaladiisa caafimaad, arrintaasi oo uu tilmaamay in ay marag ka ahayeen Maxamuud Xaashi iyo Marwo Aaamiina Waris.

Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in aanay jirin meel uu madaxweyne Silaanyo arrintaasi ku sheegay, waxaanu xusay in xaaladda caafimaad ee Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo ay wanaagsanyd.

Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo ku baahiyey boggiisa uu ku leeyahay baraha ay bulashadu wadaagto, qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-

“Ma jecli inaan faah-faahin ka bixiyo buugga uu wasiirkii hore ee Madaxtooyadu qoray, waxaan jecelahay inaan gor-fayntiisa u daayo shacabka Somaliland, waa ta koowaade annigu goob-joog iyo makhraati midna kamaan ahayn kulanka Xirsi sheegay in marwadu noogu yeedhay ee ku saab-sanaa in madaxweyne Silaanyo is-casili gaadhay, warkaasi maaha war xaqiiqo ah.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Silaanyo waxaan ahaa gacan-yarihiisii wakhtigii uu ahaa murrashaxa xisbiga KULMIYE, waxaan ahaa todoba sannadood wasiir xukuumadiisa ka tirsan, labadii sanno ee u danbeeyayna waxaan ahaa gacan-yarihiisii gaarka ah.

Sidaas awgeed caafimaadka madaxweyne Silaanyo waxa uu ahaa mid wanaagsan, caqligiisa iyo maskaxdiisuna waxay ahayd taam. Taasina waa ta suurta gelisay in Axmed Silaanyo todobadii sanno ee uu ahaa madaxweynaha uu dalkani kala soo dabaashay duruufo addag oo kala duwan, hadii caafimaadka madaxweynuhu khaldanaa dal-na muu maamuleen, guulna ma gaadheen, Axmed Silaanyo muu ahayn maxbuus ay kawarrami karaan xaaladiisa koox kooban, waxa uu ahaa nin ballaadhan oo aanay waxba u qarsoonayn.

Marwada koowaad ee madaxweyne Siilaanyo Marwo Aamina Maxamed Jirde waxay ahayd sida uu Xirsi-ba buugiisa ku xusay haweenay waxbaratay, kana danbaysa ninkeeda iskana dhawrta fara-gelinta maamulka dawladda, sidaas darteed hadii uu Xirsi buugiisa ku xusay inay 5-tii sanno ee uu wasiirka Madaxtooyadda ahaa ay ahayd marwo gurigeeda ku kooban, labadii sanno ee danbana sidii uun bay ahayd, Xirsina kama warami karo meel aanu joogin.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply