Guddida Siyaasadda Miisaaniyadda iyo Ganacsato Kulan Wada Yeeshay

0
346

Hargaysa (Dawan):- Guddida Siyaasada Miisaaniyadda ee golaha wasiirada Somaliland ayaa kulan la yeeshay Ganacsatada kala duwan. kulankaas oo lagaga wadahadlay sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka.

Shirkan oo shalay ka qabsoomay huteel Kaah ee magaalada Hargaysa ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirada wasaarada Horumarinta Yuusuf Maxamed Cabdi, Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad, arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Xanaanada Xoolaha Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, Boosaha iyo Tignoolajiyada Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi iyo xubno ka socday ganacsatada dalka.

Wasiirka Horumarinta Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay ujeedada shirkan ay la vyeesheen ganacsatada dalka. Waxaana uu yidhi “Waxa aanu la kulanay Ganacsatada kala ee Somaliland oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee ganacsatada shir aad u balaadhan ayaa nooga qabsoomay Huteel Kaah ee magaalada Hargaysa.

Wasiir Yuusuf waxa uu sheegay in shirkani uu daba soday shirkii hore ee uu furay madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee dhex maray xukuumadda iyo ganacsatada Somalilnad, waxaanu yidhi “Shirkan waxaa lagu lafo guray qaabkii loo horumarin lahaa isaga oo shirkani daba socday shirkii madaxweyne ku xigeenku furay ee Huteel Amsador ka dhacay.

Ganacsatada isku manaan yeedhin in aanu cashuur ku kordhino. Balse ganacsatada waxa aanu ka wadahadalnay sidii loo horumarin lahaa dalka waxaana kulan kaasi ku soo dhamaaaday is faham buuxa.”

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad, ayaa waxa uu sheegay in shirkan lagaga wadahadlay sidii ganacsatada iyo xukuumadda horumar dhaqaale u samayn lahaayeen. waxaana uu yidhi “Waxa shalay shir balaadhan iskugu yimid guddida maaliyada dhaqaalaha ee xukuumadda Somaliland iyo Ganacsatada dalka, waxaana shirkani dabo socdaa shirkii sanad laha ahaa ee bishii Juun aakhirkeedii qabsoomay. Waxaana shirkan lagaga wadahadlay sidii Ganacsatada iyo xukuumadda horumar dhaqaale u samayn lahaayeen”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply