Wasaarada Gaadiidka Somaliland oo ka Qayb Gashay Shir Caalamiya

0
358

Mwanza- (Dawan):- Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka qayb gashay shir caalami ah oo dawladda Somaliland lagu marti qaaday oo ay ka qayb gelayaan in ka badan 200 oo ka socda 40 dal oo ka mid ah qaaradda afrika iyo dalal iyo hay’addo caalami ah oo ay qaarada wada shaqayn leeyihiin.

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen baanka adduunka, iyo dawladda Tanzania, ayaa ka furmay magaalada Mwanza ee ku taalla harada Victoria ee dalka Tanzania, waxaana ka qayb galay, In ka ka badan 200 ergay oo ka kala socda illaa 40 waddan oo afrika ah, iyo 20 shirkadood oo ah kuwa ku shaqeeya Teknooloojiyada (artificial intelligent ). 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Soamliland Cumar sayid Cabdilahi Aadan ayaa ka qayb galay shirkaas oo soconaya mudo sadex cisho ah.

Kulanka shirkan oo lagaga hadlayay sidii loo horumarin lahaa adeegga gaadiidka guud ahaan qaarada afrika ,sida waddooyinka, gaadiidka badda, iyo gaadiidka cirkaba gaar ahaan, adeegga loo yaqaano diyaaradaha aan cidna wadin ama ( Drones ) oo la tijaabinayo in qaaradu markii ugu horraysay ay uga faa’iidaysato in kaargoo ahaan loogu gudbiyo tuulooyinka fog fog ee aan waddooyinku tagin, iyada oo loo istimcaalayo isu gudbinta dawooyinka, cuntada fudud, caawinta deg deg ah , xog ururinta iyo sarfayga ( data collection and surveillance) iyo wixi la mid ah.

waxa shirka furay wasiir ku xigeenka wasaarada gaadiiidka ee dalka Tanzania H.E Eng Atashasta Nditiye , waxa sidoo kale hadalo muhiim ah ka jeediyaay madasha agaasimaha guud ee hay’adda duulimaadyada wadanka Tanzania ( TCAA), Mr Hamza Johari , Duqa magaalada Mwanza H.E John Mongella , safiirka Switzerland u fadhiya dalka Tanzania, H.E Arthur Mattli madaxa baanka adduunka ee wadamada ,Tanzania, Malawi,Burundi iyo Somaliland Ms. Bella Bird , saraakiil ka socotay hay’adda ICAO.

Wadamo badan oo Afrika ah ayaa soo bandhigay barnaamjiyo tijaabo ah oo ku saabsan qaabka gaadiid ahaan loogu isticmaali karo mustaqbalka diyaaradaha drones, gaar ahaan wadanka Rwanda oo horumar fiican arintaas ka sameeyay, waxa sidoo kale soo bandhigay drones cusub oo aduunyada wax wayn ku soo kordhin doona in ka badan 20 shirkadood oo intooda badan laga leeyahay Asia, iyo Yurub.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply