Murrashax u Taagan Golaha Deegaanka Caasimadda oo Dhakhaatiir Caafimaad iyo Agab Kale Gaadhsiiyay Degmadda Balicabane

0
387

Balicabane (Dawan): Cabdillaahi Maxamed Gaaxnuug oo u sharraxan xildhibaanadda golaha degaanka ee caasimadda Hargeysa ayaa deeq agab ciyaareed ah gaadhsiiyay degmadda Balicabane ee gobolka Hawd.

Waxaanu musharaxani uu u ballanqaaday bulshadda degaankaasi haddii uu ku guulaysato xildhibaanimada golaha deegaanka Hargeysa in uu wax badan ka tari doono baahiyaha kala duwan ee ku gadaaman degmadda Balicabane.

Cabdillaahi Maxamed Gaaxnuug isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlayay waxaa uu yidhi “Qorshayaasheyda danbe iyo kuwayga hore ba waxay yihiin in degmadda Balicabane aan wax uga qabto.

Haddii ay dhanka caafimaadka, ciyaaraha iyo adeegyadda waxbarashadda inta ba in aan wax ka qabashadooda qayb laxaad leh ka qaato, oo horumarka wadanku hiigsanayo inagu na ka degmo ahaan in aynu wax badan ka qabano, oo talo iyo tusaale inta ba aynu isku biirino oo bulsho isku tashatay aynu noqono.

Bulshadda degmadda Balicabane aad ayaan uga mahad celinayaa soo dhawaynta diiran ee ay noo sameeyeen imika na waxaan agabkan ciyaareed oo dhalinyaradda degmada aan ugu talo galay aan ku wareejin doonaa gudoomiyaha degmadda”.

Gudoomiyaha degmadda Balicabane Axmed Cabdi Ibraahim oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in codkooda cid aan isaga ahayn aanay siinayn. Waxaanu yidhi “Halkan waxaanu ku gudooniyay agab dhameystiran oo kuwa ciyaaraha ah, oo uu keenay musharaxa golaha degaanka ee Hargeysa, Cabdillaahi Maxamed Gaaxnuug, keliya agab kanoo qudha maa hee dhismaha guriga degmadda looga taliyo qayb libaax ayuu ka qaatay, waana xildhibaankii koobaad ee isagoo aan la dooran dadkiisa iyo dalkiisa wax gashada.

Deegaanku na ma hayo isaga ka hor nin isagoo aan weli xildhibaan noqon degaankuu ka soo jeedo wax gaadhsiiyaa, meelkasta oo la joogo waxaanu kugu bushaaraynaynaa in adiga aanu codka ku siineyno, haddii aanu nahay maamulka degmadda, odayaasha iyo sulaadiinta intaba”

Gaabuush Muxumed Axmed kana mida odayaasha degmadda Balicabane oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay inay xil iska saarayaan sidii ay u ilaashan lahaayeen agabkaasi lagu wareejiyay. Waxaanu yidhi “Agabkaasi naloo keenay maanta waanu soo dhaweynaynaa, waanu ka gudooney, waanu hagaajisaneynaa, waanu ku hanbalyaynaa deeqda uu noo keenay musharaxa golaha deegaanka ee degmadda Hargeysa Cabdillaahi Maxamed Gaaxnuug, waanu garab taaganahay oo waanu u duceynaynaa, waanu ku mahadsan yahay”.

Maxamed Gacayte oo ka mida saraakiisha sar sare ee xisbiga Kulmiye oo isna goobtaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa yidhi “Munaasibaddan ka waxaynu u joognaa wareejinta agab ciyaareed oo dhameystiran, waxtarka kale ee uu degaankan ka gaystay wiilkan u taagan golaha degaanka ee caasimadda Hargeysi , waxaa ka mida in uu keenay halkan dhakhaatiir bilaash ku daawayn doonta dadka oo adeegyo caafimaad oo mutadawacnimo ah ka fulin doonaa degmadan iyo deegaanadda hoos yimaada tanina waa guul kale oo u soo hoyatay deegaanka”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply