“Somaliland Waxay Horumar ka samaysay Qaddiyadda Aqoonsi Raadinteeda”

0
382

London (Dawan)- Wargeyska caanka ah ee Financial Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa baahiyey warbixin dheer oo uu kaga hadlay horusocodka jamhuuriyadda Somaliland ka samaysay qaddiyadda madax-bannaanideeda iyo aqoonsi raadinta.

Wargeysku wuxuu warbixintiisa ciwaan uga dhigay: “Somaliland waxay ku tallaabsatay inay dhaqdhaqaajiso sidii ay aqoonsi caalamiya u heli lahayd.” Warbixintaas oo aad u dheerayd waxa soo turjuntay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanay Financial Times qormadeedu u dhignayd sidan:-

“Somaliland waxay dhaqdhaqaajisay baadigoobkeeda ku wajahan ictiraaf caalamiya, waxaanay ka digtay haddii caalamku ku sii adkaysto inay ayidi waayaan madax-bannaanidooda ay arrintaasi keeni doonto dhibaatadii dhex taallay Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa waraysi lagula yeeshay Hargeysa, ku sheegay inay Somaliland 27-kii sannadood ee la soo dhaafay ay samaysay horumar badan, taasina ay sababtay in loo garwaaqsado Somaliland ‘dal xaqiiqo ahaan jira.’

Wargeyska Financial Times wuxuu faahfaahiyey in dadka Somaliland ay ku naaloonayeen nabadgelyo iyo deganaansho oo ay yeesheen Baarlamaan u gaar ah, isla markaana Somaliland ay qabsatay doorashooyin xidhiidh ah, halka Soomaaliya ay barriinsadeen dagaalo sokeeye oo soddon jirsaday, rebshado iyo xagjirnimo tan iyo markii ay dhacday dowladdii Soomaaliya.

Warsidaha Financial Times wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay soo jiidatay maalgashadeyaasha caalamka, gaar ahaan shirkadda DP World oo ballaadhinaysa dekedda Berbera. Halka shirkadda Genel Energy oo laga leeyahay Ingiriisku ay iyaduna qorsheysay inay shiidaal ka qodo Somaliland.

Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa ku dooday in kalsoonida iyo codka ganacsatada caalamiga ahi ay Somaliland ka caawin doonto sidii loogu guulaysan lahaa dedaalka aqoonsi raadinta.

Warku wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay wakiillo diblomaasiyadeed ku leedahay dalal badan oo ay ka mid tahay UK. Waxa kale oo Financial Times ay soo bandhigtay in UK Somaliland ugu yaboohday 25 milyan oo gini muddadii u dhexaysay December 2012-kii illa September 2018-ka. Dhaqaalahaasi oo la geliyey adeegyada guud, horumarinta dowlad wanaagga iyo isla xisaabtanka.

Wargeysku wuxuu sharraxay in caqabada ugu weyn ee hor taagan aqoonsiga Somaliland ay tahay Soomaaliya oo ka soo horjeeda ictiraafka Somaliland, waxaanu wargeysku farta ku fiiqay in dalalkii dhowaan madax-bannaanida helay oo kala ahaa Suudaanta Koonfureed, Eriterea iyo Eas Timor ay aqbaleen dalalkii ay hore uga tirsanaan jireen.

Gabadha Afhayeenka u ah wasaaradda arrimaha dibadda UK, ayaa Financial Times u sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay u taallo in ay heshiis ka gaadhaan mustaqbalkooda, isla markaana waddamada gobolku ay hormuud ka noqdaan inay aqoonsadaan natiijada heshiiska ay gaadhaan labada dhinac.

Wargeysku wuxuu soo qaatay in wadahadalkii u horreeyey ee ay yeelan lahaayeen Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo dhigiisa Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, la joojiyey horraantii sannadkan, markii Soomaaliya ka soo horjeedsatay maalgashiga dekedda Berbera.

Ugu dambayn, Wargeysku wuxuu soo xigatay Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Somaliland Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ku garnaqsatay in beesha caalamku ka warqabaan in Somaliland ay ka duwan tahay Soomaaliya, haddana aanay aqoonsan Somaliland.

Waxa kale oo Marwo Edna Aadan, waxay ka digtay in isku-day kasta oo lagu doonayo in lagu mideeyo Somaliland iyo Soomaaliya ay horseedi doonto qulqulatooyin cusub oo dab ku sii shida xasaradaha ka oogan mandaqada, sida argagixisada iyo budhcad baddeeda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply