Burco: Maxkamadda Sare oo Dacwado ku Qaaday Geed Hoostii

0
339

Burco (Dawan)- Guddoomiyaha maxkamadda sare ee jamhuuriyada Somaliland, garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo ay weheliyaan garsoorayaasha iyo masuuliyinta kala duwan ee garsoorka oo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegay in dhegaysiga iyo ka garnaqa dacwadaha ee maxkamada sare ay u soo rareen gobollada bari iyaga oo gaadhsiinaya deegaanka ka baxsan magaalooyinka ee miyiga ah.

Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo ka hadlayey kulan uu la qaatay bahda garsoorka ee gobolka Togdheer ayaa sheegay in saddex ujeedo ay u yimaadeen, deegaanka gobolka Togdheer waxaana uu yidhi “Saddex arrimood ayaanu u nimi, mid waa kormeer, midda labaadna waxa weeye maxkamaddii sare ayaanu soo rarnay, iyada oo guuraysa, waxaanu nahay in ku dhow afartan qof oo iskugu jira garsoorayaal iyo kaaliyayaal, marka gobolada laga bilaabo Saaxil illaa gobollada bari oo dhan bay maxkamaddu fadhiisanaysaa, iyada oo hadhowna koox koox isku qabinaysa.”

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali ayaa xusay in dulucda socdaalku uu yahay siday u gaadhi lahayeen gobollada bari, degmo iyo tuulo, waxaanu yidhi “Ujeedada ugu muhiimsan waa dacwadihii gobollada yaalay oo lagu dhegaysto goobaha ay dacwaduhu yaaleen, hadday ciqaab tahay iyo hadday madani yihiin ba, markaa caasimadaha fadhiyi maynee illaa tuulooyinka ayaanu maraynaa, waxa jira dacwado la xidhiidha dhulalka fogfog markaa meelaha oo dhan waa la tegayaa, dacwadaha waddanka oo dhan nooga soo baxay waa illaa saddex boqol oo dacwadood markaa qaar badan oo iyaga ka mid ah gobollada la tegayo ayaa go’aan lagaga gaadhayaa.”

Maxkamadda sare ee guurguuraysaa ayaa go’aanno kala duwan ka soo saartay dacwadihii ay dhegaysatay iyada oo xataa dhegaysiga dacwadaha ku qaaday geedo hoostii, waxaanay degmo iyo tuulo u tegi doontaa gobollada bari ee dalka.

Dawannews Hargeysa office

 

 

 

 

 

Leave a Reply