Wasiirka Caafimaadka oo Sheegay in uu Baasaaboorka Somaliland ku Tagey Senegal

0
385

Hargeysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka jamhuuriyadda Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa sheegay in shir uu kaga qayb galay dalka Sinigaal uu ku tegay Somaliland Diplomate Passport

Halka masuuliyiintii kale ee safarkan ku wehelineysayna ay siteen kaadhka shaqaalaha.

Wasiirku waxaa uu xusay in masuuliyiintii kala duwanaa ee ay la kulmeen intii ay safarkooda ku guda jireen ay u qaybinayeen nuqulo ay kaga dhaadhicinayeen qadiyadda gooni isu taaga Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir Xasan oo arrimahaasi ka hadlayay waxaa uu yidhi “Somaliland diplomate Passport ayaan anigu ku tagey Senegal, Cabdiwahaab Nagruuma oo isna ila socday waxaa uu sitay kii shaqaalaha, socdaalkayga afar xubnood ayaa igu wehelinayay. Dr. Edna Aadan Ismaaciil, marwaddii madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Kaltuun Xaaji Daahir.

Waxaanu la kulanay kanbaniyo waa weyn oo caafimaadka khuseeya iyo kuwa aan khuseynin intaba, oo aanu kala hadalay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka iyo maalgashiga wadankeena”.

Dr. Xasan waxaa uu xusay in ay balamo la soo galeen wufuud dhawaan dalka iman doonta oo ay shirkaa Senegal isku arkeen. “Balamo badan oo wadanka danno ugu jiraa na waanu soo galay. Wufuud kala duwan na waanu la soo balanay, oo laga yaabo inay dhawaan wadanka soo gaadhaan, qoraalo badan oo aanu wasaaradda arrimaha gudaha oo aanu u qaybineynay masuuliyintii aanu la kulmeynay way jireen”ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland.

Isagoo sharaxaad ka bixinayay u jeedadda safarka ay Sinigal ku tegeen waxa uu yidhi “Dalka Sinigaal waxaanu u tagney oo aanu kaga qayb galay shir lagaga hadlayay dhalmo la’aanta oo ay wufuud badani ka soo qayb gashay, midho wax ku ool ahna waanu kala soo noqonay, balaamo badani na way noo yaalaan”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply