Wafti u Socda Nabadaynta Koonfurta Gobolka Sool oo Gaadhay Laascanood

0
317

Hargeysa (Dawan)- Wafti ka socda gollaha guurtida Somaliland ayaa gaadhay magalaada magaalada Laascanood, kuwaasi oo u socda sidii xal waara looga gaadhi lahaa colaada soo noqnoqtay ee u dhaxeysa beelaha walaalaha ah ee wadda degga koonfurta gobolka Sool.

Xildhibaan Xasan Cumar oo ka ka mid ah saddex iyo tobanka xubnood ee golaha guurtidu u dirtay nabadynata koonfurta gobolka Sool ayaa ka warbixinyey nuxurka ujeedka ay socdaan, waxana uu yidhi “Waxa aanu nahay saddex iyo toban xubnood oo golaha guurtida ah, waxa aanu u soconaa shaqaaqada koonfurta gobolka Sool ka dhacday in aaanu nabadyno ayaanu u soconaa IILAHAYNA waxaanu ka rajaynayaa inay guul iyo nasteex ku soo dhammaato.”

Guddoomiyaha guddiga nabadaynta ee gollaha guurtida Xildhibaan Axmed Daahir Jirde ayaa sheegay in ay ka qayb qaadan doonan nabadynta koonfurta gobolka Sool, waxaanu yidhi “Waxa aanu ku baaqaynaa nabad iyo walaalnimo, waxaanu leenahay caqligu ha shaqeeyo, hawsha aanu u socona waxaanu IILAHAY ka baryeynaa inuu garabkeeda iyo gaasheenkeeda na siiyo naguna guuleeyo.”

Guddigan ayaa ku soo aaday xilli ay deegaanada koonfurta gobolka Sool ka dhaceen dagaal beeleedyo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply