Gobolka Saraar oo lagu Qabtay 5 Baabuur iyo Rag Dhuxulaysato ah

0
374

Caynaba (Dawan): Ciidamadda booliska gobolka Saraar ayaa dorraad gacanta ku dhigay toban nin oo si sharci darro ah uga dhuxulaysanayay degaankaasi iyo lix baabuur oo ay wateen, kuwaas oo lagu maxkamadayn doono magaaladda Caynaba.

Sida uu sheegay badhasaab ku xigeenka gobolka Saraar Nuur Qaasim Qodax, oo shalay telefoonka ugu waramay Yuusuf Maxamed Xasan oo ka tirsan bahda wargeyska Dawan, ahna tifaftiraha shebekadda Somalilandsun, xilli uu badhasaab ku xigeenku ku guddo jiray olole ay kula dagaalamayaan dhuxulaysiga oo ay ka fuliyeen degmadda Waridaad oo ka tirsan gobolka Saraar.

Nuur Qaasim Qodax, waxa uu tilmaamay in baabuur ka mid ahaa 6 gaadhi ee ay qabteen in markii danbe la sii daayay. Kadib markii baadhitaan ay boolisku ku sameeyeen lagu ogaaday in aanu wax lug ah ku lahayn falkaasi.

Waxaanu yidhi “Waxay ciidamadda boolisku soo qabteen 10 nin oo ku eedaysan in ay si sharci darro ah uga dhuxulaysanayeen degaamo ka tirsan gobolka Saraar iyo lix baabuur oo ay wateen, oo ay dhuxusha ku qaadayeen. Inkastoo lixda baabuur mid ka mid ahaa markii danbe la sii daayay, kadib markii la cadeeyay in aanu qayb ka ahayn falkaasi.

Badhasaab ku xigeenku Saraar ayaa intaas ku daray in dhuxulaysigu uu dhibaato weyn ku hayo gobolkaasi oo dadkiisu 75% ay xoolo dhaqato yihiin, taasoo sababtay in qiyaastii 25% (boqolkiiba shan iyo todobaatan) dhulkii xoolo daaqseenka ahaa uu xaalufay.

Waxaanu sheegay in dhuxulaysatadda degaamadda Saraar ay farro baas ku hayaan jarista Dhirta, isla markaana ay burburiyeen dhul daaqsimeed aad u balaadhan oo qiyastii dhan 200 oo KM oo isku wareeg ah.

Nuur Qaasim Qodax, ayaa xusay in dhuxulaysatadda gobolka Saraar ay maalgeliyaan oo ay xidhiidh la leeyihiin dad ku sugan Puntland. Iyadoo dhuxushaasi maraakiib lagaga rarro dekadda Hobyo ee Puntland, isla markaana suuqa ugu weyn ee dhuxusha loo dhoofiya uu yahay imaaraadka carabta.

“Nimankaasi dhuxulaysatadda ah waxay dhuxusha u diraan Puntland. Waxaanay xidhiidh la leeyihiin oo maalgeliya dad ay wada shaqaystaan oo jooga Puntland. Dhuxusha laga shido gobolka Saraar waxaa lagu qaadaa gawaadhi, kadib na waxaa la geeyaa magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Iyadoo marka danbe na laga dhoofiyo dekadda Hobyo ee Puntland. Suuqa ugu weyn ee dhuxusha loo iibgeeyaa ayaa ah imaaraadka carabta gaar ahaana Dubia” ayuu yidhi Nuur Qaasim.

Geesta kale Nuur Qaasim Qodax, ayaa ka codsaday xukuumadda dhexe ee Somaliland in ay gacan ka siiso kalana shaqayso la dagaalanka dhuxulaysiga iyo sidii loo xakamayn lahaa. Waxaanu sheegay in haddii aan la bad-baadin in degaamo badan oo gobolkaas ka tirsan uu ka dhici doono xaaluf daran.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply