Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo Shirweyne ka Furtay Hargysa

0
345

Hargeysa (Dawan- Wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland ayaa shalay daah-furtay shirwayne ay iskugu yimaadeen hogaamiyayaasha (Chairs, Co-chairs and Secretariat) kala duwan ee dhammaan wadaagayaasha; waxbarashada, caafimaadka, wax-soo-saarka, dhaqaalaha, maamul wanaagga, tamarta, biyaha, deegaanka, iyo wadaagaha imkaaniyaadka (Sectors), kuwaas oo iskugu jiray wasiirro, agaasimayaal guud, agaasime waaxeedyo iyo madaxda hay’adaha qaramada midoobay iyo kuwa maxaliga ah ba.

Kulankan ay isugu yimaadeen hoggaamiyayaasha wadaagayaasha, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii ay dhinacyadu isu waydaarsan lahaayeen xogaha ku saabsan hawlaha ka socda wadaage kasta, ogaanshaha guulaha wadaage kastaa gaadhay iyo hawlaha ka dhexeeya wadaagayaasha kala duwan iyo sidii loo kobcin lahaa wada shaqaynta dhexdooda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland, Eng. Xuseen Ibraahin Buuni, oo isagu si rasmi ah u daahfuray shirkaasi ayaa hadal kooban ka jeediyay madashaasi, waxaanu yidhi “Waxaa hore inoogu soo qabsoomay shirar kala duwan, shirarkaasi sagaalka wadaage waxaa inooga soo qabsoomay boqolkiiba todobaatan hawlihii la qaban lahaa.

Farxad wayn ayay inoo tahay in ay inoo qabsoomaan hawlaha intaas leeg oo ah boqolkiiba todobaatan. Maanta waxa aynu halkan u fadhinaa oo aynu isugu nimid, in aynu dardar gelino hawlaha shaqo ee aynu qaranka u hayno.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland, Cabdirashiid Ibraahin Cabdiraxmaan, oo hadal ka jeediyay munaasibaddaasi ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulankan,waxaanu yidhi “Kulankan oo ah kulankeeni labaad ee aynu yeelanno bilahan u dambeeyay, waxa ay ujeedadiisu la xidhiidhaa in aynu isku soo dhawayno wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka iyo dhammaan wadaagayaasha.

Kulankani waxa uu ku wajahan yahay oo meesha fadhiya hoggaamiyayaasha sagaalka wadaage, ujeedaduna waxa ay tahay in aynu xog isku waydaarsano waxyaabihii inoo qabsoomay iyo guulihii la gaadhay muddooyinkii dambe iyo in la iswaydaarsado khibradaha shaqo.”

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply