Komishanka Maamul Wanaagga oo la Kulmay Madaxda Gobolka Saaxil

0
366

Berbera (Dawan):- Komishanka maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuq maasuqa ee jamhuuriyadda Somaliland, ayaa socdaal shaqo oo ay ugu kicitimeen gobolada bari ee dalka ka bilaabay gobolka Saaxil.

Weftiga safarka shaqo ku maraya gobolada bari oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha komishanka maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Axmed Jaamac Maxamuud oo ay ku weheliyaan saraakiil sare oo xafiiskiisa ka tirsan, ayaa socdaalkooda shaqo ka bilaabay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, waxaanay kulan la yeesheen madaxda laamaha dawladda ee heer gobol.

Kulanka ay madaxda laamaha dawladda ee gobolka Saaxil la yeesheen oo ka qabsoomay xafiiska guddoomiyaha gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Xasan, ayuu guddoomiyaha komishanka Maamul wanaannu ku sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho dib u eegista hannaanka ay u shaqeeyaan xarumaha dawladda ee heer gobol iyo toosinta hannaanka shaqo wixii qaldan isla markaana socdaalkuudu uu yahay mid ay gobolada dalka oo dhan ku marayaan xilliganna ay u jihaysan yihiin gobolada bari soona dhammeeyeen gobolada galbeedka dalka.

Guddoomiyaha Komishanka maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa laga soo shaqaynayay ee komishanku soo diyaariyay, habraacan cusub ee komishanku uu wadaa maaha mid ay gobolka Saaxil ku bilaabeen, sadexda gobol ee galbeedka dalka ba waanu soo marnay, bariga ayaanu imikana u jahaysannahay, waxaanu ka soo bilawnay markii ugu horraysay baadhistii wasaaradaha kal hore.

Baadhistaa wasaaradaha xog fara badan ayaa nooga soo baxday, xogtaa nooga soo baxday waxay noqotay in goboladana wax ka dhiman yihiin mar haddii wasaaradihii oo madixii ahi ay wax badani qaldan yihiin in goboladiina ay la mid noqonayaan, markaa taas ayaa nagu keliftay in aanu hannaan cusub ama habraac cusub in aanu u samayno dhammaan wasaaradaha iyo isuduweyaasha goboladu waa taas si aanu u toosino wixii qaldan ee jira.”

Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Eng. Axmed Cismaan Xasan, ayaa isna kulankaa ka hadlay waxaanu soo dhaweeyay kulanka ay xafiiskiisa kula yeesheen gudida maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Somaliland ee ay kulakulmeen dhammaan isuduweyaasha laamaha dawladda ee gobolka Saaxil, waxaanu caddeeyay in ay diyaar u yihiin in shaqda lagu toosiyo oo wixii ka qaldan la saxo taasoo uu sheegay in ay soo dhawaynayaan. Waxaanu yidhi “Shaqadii aad markii horeba haysay ee aad wadday oo lagugu waaniyo hadday wax kaa qaldanyihiinna lagu toosiyo, qofku hadduu toosi waayona khadka ayuu ka baxayaa, ka gobol ahaanna aad ayaanu u soo dhawaynaynaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply