Bixinta Summada Cusub ee Gaadiidka oo laga Bilaabayo Gobolada Dalka

0
375

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka jamhuuriyadda Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Siyad) ayaa sheegay in todobaadka soo socda dhammaan gobolada dalka laga bilaabyo bixinta iyo qaadashada summada cusub ee gaadiidka, waxaanu ugu baaqay gaadiidlayda in ay u diyaar garoobaan qaadashadda summadaasi cusub.

Agaasimuhu waxa uu xusay in aanu jirin wax khilaafa oo soo kala dhexgaley iyaga iyo masuuliyiinta wasaaradda maaliyada, oo la xidhiidha arrinta qaadashadda summada cusub ee gaadiidka.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay hawsha qaadashadda summada gaadiidku ay sidii loogu talo galay ay u socoto, waxaanu sidan ka sheegay mar uu shalay u waramayay telefiishankja Bulsho.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Siyad), isaga oo arrimahaasi ka hadlayna waxa uu yidhi “Waxaa aan bulshada u sheegaya in todobaadka soo socda summada cusub ee gaadiidka laga heli doono dhammaan goboladda dalka, oo qofkii gaadhigiisa doonaya inuu ka badelo goobta uu joogo ayuu ka heli doonaa, sidaasi ayaan ugu bushaareyneynaa”

Sidoo kale agaasime Cumar waxaa uu xusay inay si wanaagsan u socoto qaadasha summada cusubi ee gaadiidku, waxaanu yidhi “Bulshadda reer Somaliland waa bulsho wanaagsan, qaadashada bileydhka cusubina si wanaagsan ayay u socotaa, arrintan bileydhka gaadiidkuna mid loo baahnaa ayay aheyd, waxaa gaadhiga lagu iibsan jirayna waxa ay aheyd lanbarka ama tayadiisu ha xumaato ama ha wanaagsanaate, markaa shacabku arrin ay u baahnaayeen ayay aheyd oo si wanaagsan oo ka badan sidii la rabay ayay u qaadanayaan bileydhada”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply