Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha        oo Saddex Gobol Xarumo ka Furatay iyo kii Afraad oo Maanta Xadhiga Laga Jarayo

0
337

By. Faysal Xiis Afgaab

Burco (Dawan)- Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland, ayaa saddex gobol oo ka mid ah gobolada bari ee dalka ka furatay xarumihii wasaaradda ee heer gobol isla markaana hawl galisay isuduweyaasha heer gobol iyo shaqaale xarumeedkaas, maantana xadhiga ka jaraysa xarunta gobolkii afraad ee ay yeelato oo toos u hawl geli doonta isla maanta.

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Xaaji Maxamed Sheekh Aadan Cimo oo todobaadkii labaad ku guda jira socdaal shaqo oo ay ku marayaan gobolada bari ee dalka, ayaa si rasmi ah u soo furay xarumaha wasaaraddiisa ee gobolada Sanaag, Sool iyo Saraar isla markaana magacaabay isuduweyaasha goboladaas oo si rasmi ah u shaqo galay bilaabaynay hawlaha wasaaradda ee heer gobol iyo degmo ee ay wasaaradda uga masuulkayihiin tallaabada ugu horraysa ee shaqada xarumaha sadexda gobol laga soo furayna waxay noqonaysaa in bulshada goboladaas ay gaadhsiiyaan oo ay baraan dastuurka jamhuuriyadda Somaliland iyo shuruucda dalka.

Weftiga wasiirku hoggaaminayo, ayaa maantana waxay xadhiga kajari doonaan xarunta wasaaradda ee gobolkaTogdheer oo isla maantana hawl geli doonta.

Wasiirka ayaa socdaalka shaqo ee ay gobolada bari ee dalka ku marayaan iyo xarumaha heer gobo lee wasaaraddu ka furatay gobolada ay tageen ku sheegay in ay ka mid tahay shaqadii loo igmaday oo ay gudanayaan iyo in aanay wasaaraddu noqon mid caasimada dalka uun fadhida oo aad dadka gaadhin.

Waxaanu sheegay in loo baahan yahay in dhammaan wasaaradaha Somaliland in ay gobolada dalka oo dhan ku yeeshaan xarumo shaqaynaya oo ay dalka oodhan wada gaadhaan islamarkaana heer gobol, degmo, tuulo iyo illaa heer qaran waaarad kastaaba yeelato isku xidhnaan ka dhaxaysa bulshada.

Taasoo u sheegay in ay qaranka dadkiisa oo dhan isku xidhayso oo wixii wasaaradda shaqadeeda ah ee qofka gobol kale jooga uga baahnaa in uu ka helo halka uu deggan yahay oo aanay qasab ku noqon in uu caasimada dalka yimaaddo.

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasah oo wargayska Dawan faah faahin ka siiyay xarumaha ay gobolada bari ka soo furteen iyo ka maanta ay ka furayaan magaaladda Burco xarunta gobolka Togdheer, ayaa yidhi. “horta muhiimaddu waxa weeye in wasaarad kastaaba ay dalka wada gaadho oo ay heer gobol iyo degmoba ka shaqayso,ka wasaarad ahaanna waxaa noo qorshaysan in aan gobolada dalka oodhan ka samayno xarumihii wasaaradda iyo shaqaalhii ka hawl geli lahaa oo isugudeyaasha goboladu ay shaqeeyaan taasina waxay mar ka qayb qaadanaysaa isku xidhnaanta bulshadii loo adeegayay iyo wasaaradda,markaad heer tuulo,degmo gobol iyo illaa heer qaran ay wasaaraddu ka wada hawl gasho waxaa toos isugu xidhnaanaya bulshadii iyo dawladdii mana aha in qofka aan joogin caasimadda ee wax uga baahan adeegga wasaaraddu in uu u baahdo in uu caasimadda usoo safro oo uu socdaal iyoqarash u soo galo ee waa in adeeggii wasaarada gobolka ama degmada uu joogo uu ka heli karo,.waxaa kale oo ay wax ka taraysaa shaqo abuurka oo dad ayaa ka shaqaynaya dhammaan xarumaha wasaaradda ee gobolada taasina dhallinyareeda shaqo abuurka u baahan ayay wax wayn baahdooda ka taraysa.”

Wasiirka oo ka hadlayay ujeedada ugu weyn ee xarumaha wasaaradda ee goboladu xilliga ay qabayanayaan, ayaa yidhi. “intaaba waxaa ka way nee xarumahawasaaradda ee gobolada aanu ka furnay ay hadda qabanayaan waa inay bulshada gobolada wada gaadhsiiyaan oo ay baraan dastuurka qaranka Somaliland oo ladoonayo in dadka muwaadiniinta ah ee reer Somaliland in ay aqoon u yeeshaan sharciga dalka si ay u bartaan xuquuqda ay leeyihiin iyowaajibaadka saaran,taasoo bulshada waxbadan u taraysa kana dhigaysa dad yaqaan oo garanaya sharciga dalkooda kuna baraarugsan wuxuu farayo,wuxuu ka reebayo labadaba markaa taas ayaa ugu wayn,waxaanay wasaaraddu diyaar u tahay in ay dhammaan dalka oo dhan ka wada shaqayso oo xafiisyadeedu ka wada furnaadaan waana tallaabo aanu ku fulinayno waajibaadka shaqo ee aanu qaranka uga masuulka nahay iyadoo ay jiraan wasaarado abdan oo naga da’weyn oo aanaan ku arag xarumo ay gobolada qaar ku leeyihiin.” Wasaaradda ayaa maanta daah furaysa xaruntii afraad ee ay ka furato gobolada bari oo munaasibad loogu qabanayo magaalada Burco ee gobolka Togdheer, waxaanu noqonayaaxafiiskaasi kii afraad ee ay ka furato gob.

Leave a Reply