Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Wefti ka Socday Qaramada Midoobay iyo IGAD.

0
382

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wefti ballaadhan oo ka socday qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay wufuudda ka kala socotay qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD, ayaa waxa kala hoggaaminayey ku xigeenka wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Rai Zenenga iyo ergayga khaaska ah ee urur-goboleedka IGAD u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane Maxamed Cali Guyo, waxaana ay labada dhinac kulankaas diirrada ku saareen qodobo door ah oo ay ka mid yihiin arrimaha nabadgelyada iyo iskaashiga ah.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga ah ee ka kala socday qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD, waxa ay sidoo kale si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo dardar-gelin lahaa arrimaha bani’aadam-nimada, amniga mandaqada geeska Afrika iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac, waxaana ay xubnaha weftigu madaxweynaha uga mahad-celiyeen sida uu ugu heellan yahay in xukuumaddiisu ay kor u qaaddo xidhiidhka ay la leedahay jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo ururrada kale ee mandaqadda.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland, ahna sii hayaha wasiirka waxbarashada, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), wasiirka cusub ee maaliyadda, ahna sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo ergayga jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD, mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply