Wariye ka Tirsan Wargeyska Dawan oo kaalinta 1.aad ku Guulaystay Tartanka Sannadlaha ah ee Cawke Award

0
378

Hargeysa (Dawan) Wariye Sagal Cabdiraxmaan Axmed (Filibii) oo ka mid ah saxafiyiinta wargeysyadda Dawan ayaa kaalinta koobaad ka gashay tartanka abaalmarinta Cawke, kaasi oo ah mid sannadle ah, isla markaana ay ka qaby qaadanayeen 60 suxufi oo ka hawl gala warbaahinta kala duawan ee dalka halkaasi oo lagu guddoonsiiyay abaalmarin.

Tartankan sannadlaha ah oo ay soo qabanqaabiyeen urrurka suxufiyinta Somaliland ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (SOLJA) ee Cawke Media Award, ayay wariyayaashii ka qayb galay ay ku tartamayeen warbixinaha qoraalka ah ee laga qoray arrimaha bulshada sannadkan.

Haddaba waxa ay wariye Sagal Cabdiraxmaan Axmed (Filibiin) ay qortay warbixin ay ciwaan uga dhigtay ‘Da’yarta hal abuurka ahi waxay u baahan yihiin dhiiri galin iyo gacan qabasho’

Warbixinta oo aanu ka soo qaaday qoraal koobana waxaa ay u dhigneyd sidan- “Cabdirashiid Maxamed Ibraahim, waa wiil 18 jir ah, kana mid ah da’yarta Somaliland ee ku dhaqan magaalada Hargeysa, waxanna uu ka mid ahaa ardaydii sannadka dhamaystay dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali ee degmada Maxamuud Haybe, waxaanna xusid mudan in uu wiilkani ku jiray da’yar hal abuur ah oo uu dhawaan madaxweynaha Somaliland Mudane muuse Biixi Cabdi ku qaabilay wasriga madaxtooyada dalka.

Qalabkan ayaa isugu jiray gujisyada badda, Maraakiib iyo Doonyo, laabtoob, Madxafyada wax lagu akhristo, iyo qalabka dagaalka sida qoryihii, seefihii, warankii iyo qalimaantii wax lagu qoraayay, Cabdirashiid isaga oo sharraxayay waxyalaaha uu ka sameeyey qalabkan iyo xiligii uu bilaabay samayntoodaba waxa uu yidhi “mar kasta oo aan ka imaado dugsiga waxaan ku fikiri jiray sidii aan u samayn lahaa wax cusub waxaannan bilaabi jiray sidii aan u hirgalin lahaa waxa maskaxdayda ka guuxaaya, waana taa mida keentay inaan sameeyo waxaa idiin muuqda ee qolkan buuxiyey.”

Sagal Cabdiraxmaan waxaa ay ugu danbey ka mahad celisay guusha ay gaadhay ee Illaahey u suuragaliyay waxaanay tidhi “Marka hore Allaah ayaa mahad oo dhan Iska leh, marka labaad waxaan halkan uga mahad celinayaa dhamaan ehelkii iyo asxaabta sharafta leh ee shalay ilaa maanta hambalyada iisoo diraysay iyo sidoo kale ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo hawshan qiimaha leh ee #AwkeAward2018 qaban qaabadeeda iyo hirgelinteedaba lahaa, Alle ha idiin sharfo oo ha idiin ciseeyo sidaad noo sharafteen aniga iyo saaxiibadii kale ee aanu wada guulaysanayba, ifka sharaf ku waara aakhirana janada gala insha Allaah”

Maaha markii koobaad ee kaalintan oo kale ay gasho Sagal iyo hawl wadeenadda kale ee wargeyskani ka hawlgaala.  Balse muddooyinkii ugu danbeeyay ee tartanadda noocana la qabanayay waxa wargeyska Dawan uu ka soo hooyay guulo waaway.

Dawannews Hargeysa office

 

 

 

Leave a Reply