Wasaaradda Deegaanka oo Digniin u Dirtay Dhuxulaysatada Puntland

0
471

Caynaba (Dawan)- Xukumadda Somaliland ayaa maamulka Puntland ku eedeeysay in ay xaalufin ku hayso deegaanada Somaliland, gaar ahaanna gobolada Saraar iyo Sanaag waxaanay sheegtay in gaadiid ka yimaada deeganada maamulka Puntland ay dhuxul ka shitaan goboladaas.

Wasiirka wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland, marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ka hadlaysay madal lagu dhax-dhigaayay xarunta wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyigu ku yeelan doonto gobolka Saraar, ayaa maamul goboleedka Somaaliyeed ee Puntland uga baaqday inay faragalinta qaawan ka daayaan dhulka Somaliland. Waxaanay tidhi “Waxa weeyaan badhasaab, maayer, iyo in allaale iyo inta madaxda ah maanta ma fadhiistaan waayo waa gobol lagu soo duulay, sababta loogu soo duulay waxa weeyaan in kayn ah oo halkana oo xoolahoodu ugu jiraan waa lagu soo duulay, dhuxusha ugu fiican ayay saraari iyo sanaag leeyihiin, sheekadaasi wa dhammaatay imika, dawladda puntland waxaanu leenahay markaad adigu taadii ka timi oo puntland lagu xidhayo qofka laan jara oo maxkamad lagu taagayo dee waxa inta aad saraar timaadaan aad uga guranaysaan waa khalad”

Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo hadalkeeda sii wadata ayaa wasiirka degaanka Puntland ugu baaqday inay joojiyaan fara-galinta ay Somaliland ku hayaan waxaanay tidhi “Deegaanku malaha isku si uma wada naqaanno, waxa weeyaan inaad xakamaysaan baabuurtiina, mar hadaad dawlad tahay oo wasiir tahay waa inaad xakamaysaa baabuurtaada oo aad umadda wax u sheegtaa wax allaale iyo wixi lagu badalayo tamarta waa inaad hore u marisaa si dadku u bartaan laakin hadii aad tidhaahdo geedka Saraar ku yaala orda soo gooya dee waa mushkilad, waxan leeyahay geedkaas anaga ilaalinayna, anagaa naloo dhaariyay oo naloo xilsaaray kitaab jaamaca ayaan ugu dhaaranay waannu ilaalinaynaa dadkeeduna way ilaalinayaan halkaas geedka laga shidaa saldhiga booliska ayuu yaalaa dhuxushiisu, dhuxusha waa la gubayaa baaburtana waa la xidhayaa waliba”

Wasiirka wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa intaas raacisay Guddoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, waxaan leeyahaya aad iyo aad ayuu u dadaalayay waana nin ku astaameysan inuu deegaanka ku shaqeeyo, hadaad kiish kusoo qabataan cirka ku dubta dee ileen wax kale la eegan maayee geedkaa la eeganayaaye xooluhu waxay la dhammaadeen ee dhirtii ayaa ka dhammaatay, dawladda Somaliland ee uu madaxweyne ka yahay Muuse Biixi dhexda wuxu usoo xidhay deegaanka waxan leeyahay dawlad ahaan shaqo ayaan ka qabanaynaa”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply