Golaha Deegaanka Ceerigaabo Oo Soo Saaray Awaamiir Dhulka Lagu Maamulayo

0
551

Ceerigaabo(Dawan):- Kalfadhigii golaha deegaanka degmada Ceerigaabo ee labaad ee ay sanadkan yeeshaan ayaa lagu ansixiyay xeerka kala xadaynta dhulka ee xeer lambar 17.

Kalfadhiga golaha deegaanka degmada Ceerigaabo oo uu guddoominayay guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Ceerigaabo ahna maayerka degmada Ismaaciil Xaaji Nuur,ayaa waxaa ka hadlay xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka oo sharraxaad ka bixiyay ahmiyadda xeerkaasi u leeyahay magaalada wax ka qabashada arrimaha dhulka.

 

Xildhibaan ka mid ah xubnaha golaha deegaanka degmada Ceerigaabo oo ka hadlayay xeerka iyo ahmiyadda uu bulshada u leeyahay,ayaa yidhi. “magaaladu waxay u baahatay shaqo kama kacdo ah waxay u baahan tahay in muddooyinka faraha badan ee jiritaanka dambe ah wixii noolaada in loo habeeyo,maanta waad ogtihiin oo xabaalihii way buuxsameen,waxaan dadweynaha u sheegaynaa guddi baan ka mid ahay maanta la diray   oo dhulkii dadku iska haystay ama beero ha ahaadeen ama dhul bannaan  oo la iska ootay ha ahaado,dhulkii si sharciyan ah iyadoo la raacayo xeerkaa lambar 17 oo aan cidnaku gefayn,bulshadana waxaanu ka codsanaynaa in ay nala shaqeeyaan.”ayuu yidhi xildhibaanku.

Mudane kale oo ka mid ah golaha deegaanka degmada Ceerigaabo oo ka hadlayay tallaabada ay ka qaadayaan dhulka la iska ootay,ayaa yidhi. “dhulka xidhan ee aan dawladda hoose wax nacfiya iyo cashuur ahi toona aanay naga soo gelin waanu u soo jeednaa tallaabo ayaanan ka qaadaynaa mana noqonayo baaqayagani ee sidaa ha u ogaadaan cid kasta oo dhul iska haysta.”

Kalfadhigan oo uu soo gunaanaday guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Ceerigaabo,ayaa sheegay in xeer lambar 17 ay fulinayaan isla markaana ay ka wada shaqaynayaan dawladda hoose ee Ceerigaabo iyo dawladda dhexe waxaanu bulshada degmada u soo jeediyay in ay u hoggaansamaan xeerkadhulka ee lambar 17 ee golaha deegaanku ansixiyay,waxaanu yidhi. “wuxuu goluhu ansixiyay oo uu isku raacay in la fuliyo xeer lambar 17 oo lagu maamulayo dhulka ninkastaaba sidaa ha u ogaado,waan iska haysanayaa,la cashuuri maayo,danguud laga goyn maayo wax soconaya maaha,sharcigaas ayaa inoo dhex ah sharcigaas ayaan fulinaynaa ciidamada qalabka sidana waanu ka wada soconaa,dawladda dhexenawaanu isla ognahay nin kastowba ku talo gal.”ayuu yidhi Maayerka degmada Ceerigaabo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply