Dowladda Somaliland oo ku Dhawaaqday Daahfurka Kaalmo Shaqo oo Banaan

0
419

Hargeysa-(Dawan)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka dib markii ay dhamaystirtay Hay’adda shaqaalaha dowladdu Tiro koobkii lagu sugay shaqaalaha Dowladda u shaqeeya ee kala duwan waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday daahfurta Bilawga Baahinta Kaalmihii Shaqo ee soo baxay iyo kuwa cusub ee  Dowladdu qaadanayso oo gobolkii u horreeyey ee tartankaasi si daahfuran looga bilaabayo uu noqday Gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland.

 

 

 

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in Guddida Hay’adda shaqaalaha Dowladdu ay u kala baxayaan goboladda Somaliland isla markaana gobolka ugu horreeya oo Sanaag ah ay ka bilaabayaan Tartan loo geli doono shaqooyinka Dowladda Somaliland  ee la qaadanayo waxaanu bulshadda ku dhaqan Gobolka . Sanaag ay ku tartami doonaan 210 Kaalmo shaqooyin oo bannaan oo lagu kala calaf qaadi doono cidda ku guulaysan doonta, iyada oo md sharmarke  uu sharraxay shuruudaha dadka Imtixaanka Kaalmaha shaqo ee Dowladda ka bannaan u geli doona ee gobolka Sanaag ku dhaqan looga baahan yahay iyo  wakhtiga uu u cayimay inay bulshadda tartanka Imtixaanka geli doonaan Saxaafadda kala socon doonaan oo lagu wargelin doono goobaha ay Araajida iyo Shahaadooyinka keeni doonaan.

 

 

 

md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu qoraalkiisa  kaga hadlay Bilawga Baahinta kaalmaha shaqooyin ee  dhawaan tartan loo geli doono Imtixaan lagu kala saaro shaqooyinka Dowladdu qaadanayso ee Gobolka Sanaag ay ka bilaabayaan waxa u yidhi. “Iyada oo Muddooyinkii u dambeeyey Hay’adda Shaqaalaha Dowladdu gacanta ku haysay, buuxinta kaalmihii Shaqo ee ka soo baxay tiro-koobkii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku soo sugtay tirada rasmiga ah ee Shaqaalaha Dawladda JSL, ayaa waxaa bilowday baahinta kaalmihii Shaqo si dhalinyarada dalku si siman ugu tartamaan.

 

Haddaba, Guddida Hay’adda Shaqaalaaha Dawladdu waxa ay tartamada ku qaban doontaa gobolada kala duwan ee dalka halkaas oo maanta la shaaciyey gobolkii ugu horeeyey ee tartaankaasi ka qabsoomi doono oo ah Gobolka Sanaag caasimadiisa Ceerigaabo.

 

Kaalmaha Gobolka Sanaag ayey  tiradoodu dhan tahay 210 oo u kala baxa:

 

137 Kaalmo Shaqo oo ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada kuwaas oo lagu buuxiyey natiijada Kormeerkii u dambeeyey ee Hay’adda Shaqaalaha iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku wada sameeyeen.

 

23 Kaalmo Shaqo oo ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka kuwaas oo lagu buuxin doono Kormeer dhawaan Hay’adda Shaqaalaha iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku wada samayn doonnaan

 

50 Kaalmo Shaqo oo Cusub kuwaas oo imika la qaban doono tartankii loo gelayey iyaga oo tartamayaasha ku soo guulaysta ay ka shaqayn i doonaan dhamaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda

 

50-kan kaalmo Shaqo ee cusub ayaa loo geli doonnaa 3-nooc oo imtixaan oo ku salaysan baahiyaha Wasaaradda/Hay’ada Dowladdeed ee banaan kuwaas oo kala ah:

 

1- Maamulka iyo Maaraynta “Management and Administration Exam”

2- Sharciga “Legal Exam”

3- Xisaabaadka iyo Maaliyada “Accounting and Finance”

 

Shuruudaha looga baahan yahay Tartamaasha ayaa ah:

 

1- In uu sito Shahaado Jaamacadeed oo la xidhiidha Shaqada uu Codsanayo

2- In uu soo gudbiyo CV-ga iyo Warqadii Codsiga oo ay ku cadahay shaqada uu Codsanayo.

3- In uu soo qaato Warqada dembi la’aanta

4- In uu keeno laba sawir oo kur ah

5- In uu keeno kaadhka aqoonsiga Somaliland oo goobta dhalashadu tahay meel kamid ah Gobolka Sanaag

6- In uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo meel kasta oo kamid ah gobolka Sanaag iyo hadii loo baahdo xarumaha dhexe ee Dawladda

 

F.G:- Waxaa xusid mudan in 50-ka Kaalmo shaqo 30% kamid ah ay noqon doonaan gabdho taasi oo ka dhigaysa saamiga tartanka in la qaadan doono 35-ka wiil ee ugu sarreeya wiilasha iyo 15-ka hablood ee dhanka gabdhaha ugu sarreeya.

 

Taariikhda Xayaysiiska:- Arbaca 14/11/2018

Taariikhda Bilowga qabashada Arjiyada:- Sabti 17/11/2018

Taariikhda ay xidhmayso qabashada Arjiyada:-Sabti 24/11/2018

Taariikhda Imtixaanka:- Salaasa 27/11/2018

Goobta Qabashada Arjiyada:- Xarunta Gobolka Sanaag

 

Wargelin:- Dhawaan waxaa lasoo baahin doonnaa gobolka ku xiga ee tartamadu ka dhacayaan halkaas oo gobolada dalka oo dhan tartamada shaqo ka qabsoomi doonnaan

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply