Dalag ka soo Go’ay Mashruuca Beeraha Banka Wajaale

0
731

Wajaale (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda horumarinta beeraha, Axmed Muumin Seed iyo Agaasimihiisa guud Dr. Axmed Cali Maax, ayaa kormeer ku tegay mashruuca beeraha ee Banka Wajaale. Halkaasi oo ay ka socoto hawsha iyo kala hufidda Hadhuudh ka soo ga’ay beerahaas.

Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha ayaa soo kormeeray hawsha Kala Hufidda Hadhuudhka Wasaaraddu halkaa ka qodday, kaasi oo dhawaan Madaxa laga jaray isla-markaana ay hadda socoto kala hufkiisu.

Wasiir Axmed Muumin Seed iyo Agaasime Axmed Cali, ayaa markii ay halkaa gaadheen waxa ku soo dhaweeyay maareeyaha wasaaradda horumarinta Beeraha u qaabilsan mashruuca Banka Wajaale Mowliid Xasan Cabdi, waxaanu maareeyuhu labada Masuul War-bixin ka siiyey sida ay u socoto Kala hufidda hadhuudhka laga beeray Wajaale, kaas oo boqolkiiba 90 ka ahaa dalagyada halkaa Wasaaraddu ka beertay.

Maareeyuhu wuxuu sheegay in hawsha Kala hufidda hadhuudhka soo go’ay ay u adeegsanayaan Mishiinno wasaaraddu ugu talo-gashay kalah hufidda hadhuudhka.

Waxa kale oo uu sheegay in ay ka qayb-qaadanayaan shaqaale wasaaradda horumarinta beeruhu hawl-galisay, kuwaas oo si maalinle ah halkaa uga shaqeeya

Wasiir Seed iyo Agaasime Maax, ayaa intii ay halkaa ku sugnaayeen waxay ka qayb-qaateen hawsha kala hufidda hadhuudhka.

Ugu dambayn, Wasiirka iyo Agaasimaha guud ayaa u mahad-naqay Maareeyaha wasaaradda beeraha u qaabilsan mashruuca Wajaale oo ay ku bogaadiyeen sida uu hawsha u wado iyo shaqaalaha sida maalinlaha ah uga qayb-qaadanaya Kala hufidda hadhuudhkaasi.

Dalagyada wasaaraddu ka qodday Banka Wajaale, ayaa qayb ka ah mashaariic wax soo-saar oo beeruhu ka hirgelisay deegaanka Beer ee gobolka Togdheer ah iyo Xaaxi oo ka mid ah Gobolka Daad-madheedh.

Wasaaradda horumarinta beeraha ayaa qorsheysay in mashaariic wax soo-saar oo kuwaa la fuliyey la mid ah ay ka hirgeliso gobollada kale ee Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

 

 

Leave a Reply