Xukuumadda oo Faahfaahisay Waxqabadka Hirgalay iyo Mucaaridka oo ka Masuugay in ay Qiraan Horumarka

0
541

Hargeysa (Dawan)- Dood adag oo dhex martay sadexda xisbi qaran ee Somaliland ayuu xisbiga KULMIYE ku soo bandhigay waxqabad muuqda oo aan la dafiri karin oo muddadii sannadka ahayd ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi talada dalka haysay ay dalka ka hir gelisay oo dhammaantood ah kuwo kor loogu qaaday arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, beeraha, biyaha, waddooyinka iyo shaqaalaynta dhallinyarada ka soo baxday Jaamacadaha dalka.

Doodan ayaa dhexmartay xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE, Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland ahna xubin ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo Cabdinaasir Muxamed Xasan Buuni oo ah guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID.

Waxa kale oo uu xisbiga KULMIYE soo dhaweeyay dhaliilaha jira in ay asxaabta qaranku sheegi karaan isla markaana loo baahan yahay in ay dhaliisha jirta ee xaqiiqada ah ka hadlaan laakiin aanay wax aan jirin bulshada u soo bandhigin.

Halka xisbiyada mucaaridku ay si xaqiiqada ka fog u dafireen waxqabadka muuqda ee xukuumaddu dalka ka hir gelisay kuna doodayeen in aan waxba la qaban, doodad xisbiyada mucaaridka oo ahayd mid runta ka fog ayaa u badnayd dafiraad iyo is diidsiin waxqabadka xukuumadda Madaxweyne Muuse hir gelisay muddadaa sannadka ah ee ay xilka haysa. Waxaanay si badheedh ah u dafireen horumarka dhanka Beeraha iyo waxsoosaarka Xukuumaddu ka samaysay iyo tirada kunka macalin ah ee la shaqaaleeyay.

Sadexda masuul ee u kala hadlayay sadexda Xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID oo isku haleelay barnaamijka Faaqidaada todobaadka ee VOA-Somali oo baxa galabnimada iyo habeennimada Jimcaha,ayaa badka soo dhigtay wasiirkii hore ee caddaaladda Somaliland xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid markii uu xilka wasiirnimo hayay wax isdaba marin shaqaalaysiin ah oo uu u adeegsaday awoodda wasiirnimo isla markaana uu ku shaqaaleeyay xubno ka mid ah carruurtiisa oo inta shaqada laga reebay uu isagu u tegay wasiirkii wasaaraddaas haystay oo uu ka shaqaaleeyay Inan uu aabbo u yahay, halka wiilashiisa mid ka mid ahna uu ka dhigay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Illaalada xeebaha Somaliland .

Doodda sadexda masuul isku haleeleen oo ay qaabka hadalka ku kala duwanaayeen isla markaana mid kastaaba marka uu hadlayo laga dareemayay in uu kacsan yahay iyo in uu deggan yahay ama in hadalka uu sheegayaa meel cad ku salaysan yahay iyo in uu male awaal ku hadlayo, ayaa ahayd dood sadex hab hadal oo kala duwan ay u adeegsanayeen soo gudbintooda.

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid, ayaad moodaysay marka uu hadalka qaato in uu xiiqsan yahay oo uu meel fog ka soo orday ama uu buur fananayay kuna soo daalay ama in uu dagaalku jiro oo uu wax iska celi u hadlayo oo aanu hadalkiisa isaga laftiisu garanayn nuxurka uu sido.

Halka guddoomiye ku xigeenka koobaad ee UCID Cabdinaasir Muxamed Xasan Buuni hadalkiisu uu u badnaa mid u muuqday dadkana in ay wax u sheegaan oo ay xukuumadda dhaliilaan isla markaana aanay ka fogaan Xukuumadda oo ay waxqabad badan oo xukuumaddu hir galisay ay sheegaan in ay ku wada socdeen oo ay ku raacsan yihiin dawladda.

Halka Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa aanay ku jirin wax iska celin iyo buun buunin laakiin laga dheehanayay in uu soo bandhigayo waxyaabaha hir galay ee sannadkii koobaad Xukuumadda u qabsoomay waxyaabo ka mid ah.

Laakiin markii dooddo ay maraysay waxqabad soo bandhigid iyo beenan dhinacyadu ay is waydaarsanayeen, ayuu doodad u duway Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid dhan kale o uu xukuumadda ku eedeeyay Musuq maasuq in ay samaysay, laakiin markii uu xildhibaanku hadalkaa musuq maasuqa uu ku sheegay uu doodad soo geliyay, ayuu furmay albaab musuq maasuq oo isaga laftiisa dul hoganaya oo uu markhaatigana isku furay.

Doodda oo ay daadihinaysay wariye Sahra Ciidle Nuur, ayaa lagu bilaabay xildhibaan Warfaa oo lawaydiiyay waxyaabaha u qabsoomay sannadka koobaad ee u dhmmaaday xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu yidhi. “doorashadii ka dib waxaa dhalatay xukuumad uu guusheeda dhaliyay xisbiga KULMIYE, Xukuumaddu ballan qaadyo badan oo ay ummadda u samaysay in ay hir gelinayso haddii ay qabato hoggaanka dalka ayay ku tallaabsatay waxaana jiray tusaale ahaan todoba Tiir oo ay umadda u ballan qaaday oo ka mid ahaa barnaamijkeedii siyaasadeed ee uu ku hawl galayay xisbigu,arrimaha bulshada ka mid ah dhaqaalaha ayaa ka mid ah siyaasadda arrimaha dibedda,ayaa ka mid ah, garsoorka ayaa ka mid ah, horumarinta iyo maamul wanaagga ayaa ka mid ah, markaa barnaamijkaa xisbiga KULMIYE dadka usoo bandhigay ee uu codka kaga helay ayay xukuumadduna ku hawl gashay,haddaan arrimaha bulshada ka soo qaado xukuumaddu waxay ardayda dugsiyada hoose dhexe u samaysa buugaag daabacan oo dhammaystiran, ardayda dugsiyada hoose dhexena kama yara sadex boqol oo kun oo arday oo bilaash lagu siinayo,markii ugu horraysay ayay dawladdu kun iyo boqol macalin shaqaale rasmi ah ka dhigtay,caafimaadkii ayaa wax laga qabtay, biyaha ayaa wax laga qabtay oo caasimadda Hargeysa ayay biyo ballaadhinteedii si wanaagsan u socotaa,ka xisbi ahaanna waanu kula soconaa xukuumaddu waxqabadka ay dalka ka hir gelisay.”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Jaamac Warfaa oo doodad ku hor maray.

Cabdinaasir Muxamed Xasan Buuni oo ah guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo doodad hadalkeeda la wareegay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay waxqabadka uu sharraxay xildhibaan warfaa waxaanu si aan gabbasho lahayn uu u xaqiray waxbarashada dawliga ah ee dalka waxaanu yidhi. “horta wax qabad arrimaha bulsahda ah oo ay qabteen ayuu ka hadlay waxaanu sheegay in ay waxbarashada wax ka qabteen laakiin maanta maalin ay ka liidato waxbarashada dawliga ah ee dalku ma jirto waxaana ka horreeya oo ka wanaagsan waxbarashada isguulada bareefadka ah, markaa annagu lama qabno in ay tacliinta wax ka qabteen.” ayuu ku dooday guddoomiye ku xigeenka UCID.

Waxaa dooda markiisa u baxay xildhubaan Xuseen oo isagoo aan uba meel dayin ku bilaabay inKULMIYE oo musuq maasuq ahaa in uu KULMIYE bedelay isagoo tilmaamay in xukuumaddii hore ee uu ka tirsanaan jiray muddada bandanna u ahaa wasiirku in ay musuq maasuq ahayd, ayaa yidhi. “dhibaatooyinkii taagnaa markii xukuumaddani timi ee muqus maasuq lahaa ee sicir barar lahaa eek u dhaqan la’aanta sharciga lahaa, sidii uu u taagnaa musuq maasuqii jiray ee kulmiyihii hore ee lagu wareejiyay halbawleyaashii dalka ee deked lahaa ee madaar lahaa ee la lahaa waxbaa la dhisayaa midna lama hayo.” ayuu ku dooday isagoo ku eedeeyay xukuumaddii uu ka tirsanaan jiray in ay ahayd musuq maasuq. xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE Xildhbaan Warfaa oo ka jawaabayay doodad labada masuul ee xisbiyada mucaaridka, ayaa yidhi. “dooddaasi waa mid aan sal iyo raad lahayn tusaale ahaan Xuseen iyo Naasirba waxay ka hadleen waxbarashada, waanigan kuu sheegay in markii ugu horraysay kun iyo boqolmacalin sanadkan la shaqaaleeyo waxbarashaduna dariiq jeexan ayay maraysaa sannad wax la qaban karona waad garanaysaa makaa waxbarashada dalku si wacan ayay u socotaa.”

Guddoomiye ku xigeenka UCID oo dooddu u gudubtay, ayaa soo bandhigay qorshen ay doonayaan in ay ka xisbiyo mucaarid ahaan in ay talo ku lahaadaan cidda madaxweyne Muuse xil u dhiibayo taasoo ka baxsan hannaanka dawladnimo ee Somaliland oo ah in hal xisbi oo doorasho ku guulaystay in uu talada dalka hoggaamiyo, waxaanu yidhi. “maanta madaxweynuhu waxaa uu xilalkii u dhiibay xubno aan awood lahayn oo aan waxba qaban karayn laakii waxaan doonaynaa in aanu kala talino madaxweynaha cidda uu xil u dhiibayo oo uu nagala tashado oo uu yidhaahdo halkaa yaan geeyaa eek u habboon taasina ma jirto raga uu xilalka u dhiibayna kuwo go’aan leh maaha.”

Xildhbaan warfaa oo hadalka la wareegay, ayaa yidhi. “Horta wasiirada maanta xilka hayaa waa wasiirada ugu shaqada badan ee todobada subaxnimo illaa labada duhurnimo xafiisyada jooga ee shaqadooda wata, waxaa kale oo ay xukuumaddu qabatay illaa sagaal kun o qoys ayaa beerahoodii loo beeray oo bilaash loogu qoday si waxsooraaska kor loogu qaado isla markaana dadkaas marka ay beeruhu u soo go’aan xukuumadda ayaa ka iibsanaysa, oodwayne waxaa laga qoday illaa shan ceel biyood oo riigag ah. xukuumadda maanta jirtaana nabad gelyada dalka iyada ayaa gacanta ku haysa, isu soo dhawaynta dadkana iyada ayaa gacanta ku haysa,waxqabad sanadeedkan xukuumadda KULMIYE waxay samaysay barnaamij la yidhaahdo shaqo qaran oo lagu xeraynayo sanad kasta kun iyo shan boqol oo arday oo dadlka u shaqaynaya si wanaagsan ayaanu barnaamijkaasi u hir galay,waxaa kale oo ay xukuumaddu samaysay kaydka raashinka dal aan kayd raashin aan lahayni ma jiri karo,waxaa kale oo ay xukuumaddu la wareegtay haamihii kaydka shidaalka iyo ammaankii madaarka Berbera, markaa waxan ay mucaaridku sheegayaan waa dhaliilo aan jinin biyihii Hargeysa wajigii labaad ayaa socda oo si wacan u socda Soomaaliduna waxay ku maah maahdaa Saca aan dayrta dhalaynin Onkodka mamaqlo markaa eedo aan jirin ayay ka hadlayaan mucaaridku.”

Xuseen Axmed Caydiid, ayaa mar kale ku celiyay ka hadalka musuq maasuqa waxaanu yidhi. “musuq maasuqii ayaa wali jira oo halkii ka socda ku dhaqankii sharcigu mee xeerkii Maxamuud uu gacanta u taagay ee la ansixiyay ayuu madaxweynuhu laalay ee muxuu uga hadli waayay xildhibaan ayuu u yahaye “Waxaanu si cad uga hor yimi in dhallinyarada dalka ka shaqaaleeyo, waxaanu yidhi. “Dhallinyaro soddon jir ka yar ayaa xilalkiiloo wada dhiibay oo agaasimayaasha guud ee dalka nin soddon jir ka wayni ma jiro.”

Xildhibaan Warfaa oo ku soo noqday doodda, ayaa yidhi. “horta in naladhaliilo madiidanin mucaaridkanaway u furan tahay in ay si caafimaad qabta wixii dhaliil ah ee jirta in ay sheegaan laakiin tan ay imika ka hadlayaan waa mid aan saliyo raad lahayn oo xaqiiqada ka fog xukuumadduna waxay ku shaqaynayasaa barnaamijkii xisbiga ee lagu doortay ee dadku kalsoonida ku siiyay oo ay dadku kula xisaabtamayaan.musuq maasuq ayuu sheegay Xuseen wasiirka caddaaladda ayuu soo maray,wasaaraddiisa ayuu ka dhacay musuq maasuqu oo labadii wiil ee is ag fadhiyay ee uu mid dhalay ayuu u kala eexday oo uu wiilkiisii ka dhigay gaashaanle ciidanka badda ah midna cidla kaga tegay labadii hablood ee isla fadhiyay,ayuu inantiisii shaqaaleeyay oo uu Kastamka geeyay tii kalena uu ka tegay.markaa caddaalad darrada uu sheegayo isaga ayaa sameeyay oo ay dul hoganaysa.”

Xildhibaan Xuseen Axmed Cydiid oo qirtay in uu carruurtiisa qaar ka mid ah shaqaaleeyay muddadii uu wasiirka caddaaladda ahaa arrintaa wax laga waydiiyay, ayaa yidhi. “Inantayda markii shaqaalaynta laga reebay anigaa u tegay ninkii wasiirka ahaa oo waydiiyay sababta uu uga reebay iyadoo Imtixaankii shaqaalaynta ku soo baxday Inankaygana anigu askarta maan qorayne dadka ayuu ula sinnaa oo xaq ayuu u lahaa.”

Dooda ka hor waxay VOA wax ka waydiisay waxyaabaha xukuumadda Somaliland u qabsoomay iyo yoolka ay higsanayso agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Maxamed cali Bile. waxaanu si kooban sharraxaad uga bixiyay waxyaabaha la qabtay iyo himilada fog iyo higsiga Xukuumadda waxaanu yidhi “xaga waxbarashada tallaabooyin muhiim ah ayaa la qaadayaa, waxaana la shaqaaleeyay macalimiin tiradoodu ku dhawdahay kun bare oo markii hore aan shaqaale ahayn laakiin si mutadawacnimo ah ku shaqaynayay oo imika noqonaya shaqaale iyomacalimiin rasmi ah oo ka hawl gali doona ugu yaraan kun isguul oo dalka ku yaalla, jaamacadda Hargeysa shaybaadh weyn ayaa loo dhisayaa,xagga waxsoosaarka gaar ahaan beeraha ayaa ahayd waxqabad weyn oo xukuumaddu ku dedaashay dhul ku dhaw illaa laba kun oo hogtar oo beero ah ayaa la beeray.”

Mar uu ka hadlayay doorka haweenka ee xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayuu yidhi agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile. “dawladdu dedaal badan ayay ugu jirtaa taas waxaana xukuumadda ka mid ah hablo badan oo firfircoon oo ay wasiirro ka mid yihiin oo wasiir ku xigeeno ka midyihiin oo agaasimeyaal ka mid yihiin, haddaad eegto wareegtadii ugu dambaysay ee Madaxweynaha waxaa ku jiray laba hablood oo madaxweynuhu magacaabay.”

Mar uu ka hadlayay agaasime Bile waxa laga filan karo xukuumadda afarta sano ee u hadhay ayuu yidhi. “waxkasta oo la dhisayaa seeska ayuu ka soo bilaabmaa afarta sano ee soo socda waxaanu filaynaa arrimahaa dawlad wanaagga ee seeska loo dhigay ee ahaa shaqo abuurista, dhaqaale kor u kicista, ee ahaa in maalgashi laga helo dibadaha ee ahaa in fur furnaan iyo xidhiidh lala yeesho dawladaha jaarka iyo adduunkaba.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply