Mashruuca Waddada Ceerigaabo oo la Shaaciyay Xilliga la Dhammaystirayo

0
483

Ceerigaabo (Dawan) Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidada Somaliland mudane Cabdillaahi Cismaan Abokor ayaa ku dhawaaqay in sannadka 2019 ay dhameystirayaan dhismaha mashruuca jidka Ceerigaabo waxanu sidaa ka sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Ceerigaabo.

Dhanka kale wasiirku waxaa uu tilmaamay in meel wax lagu bixiyo ay ugu kheyr badan yihiin wado iyo masaajid waxaanu shacabka Ceerigaabo ugu baaqay inay qayb ka qaatan bixinta qaadhanka

“Qorshahayagu waxaa uu yahay sannadka 2019 in aanu dhameystiro mashruuca jidka wadada Ceerigaabo, anaga oo Ilaahey la kaashaneyna waxaa uu hamigayagu yahay anaga oo wixii dadaal iyo aqoonba aanu heyno galin doona in mashruucani aanu soo gabagabeyno”

Wasiir Cabdillaahi waxaa uu ugu baaqay bulshadda gobolka Sanaag ka codsaday inay soo bixiyaan qaadhaanka dhameysgtirka jidka Ceerigaabo waxaanu yidhi “Gudiidii 13-ka xubnood aheyd ee reer Ceerigaabana waxaanu ka codsaneynaa dhismaha wadadani gacanta dawladda ayay ku socotay marka laga yimaado laba kaalmo oo naga soo gaadhay gabdhaha degmadda Ceel-afweyn, marka waxaanu jeclaanlahaa sidii reer Ceerigaabo ay reer Sanaag ula shaqeyn jireen sida si mida inay la shaqeeyaan reer Ceerigaabow, xoolihii ayaa leydinka sugayaa, anagana waad nala xisaabtami doontaan hadii Illaahey yidhaaho, marka waxaan idinka codsanayaa inaad nala shaqeysaan ninkii wadada dhisaa waa nin masaajid dhisay, ninka kheyr la jecel naftiisa ubadkiisa iyo naftiisa marka meel wax lagu bixiyo halkani ayaa ugu wanaagsane hala baxo”

“Waxaanu wada soconey mudanayaashii golaha wakiiladda u qaabilsana iilaalinta hantidda qaranka, oo waday qorshaha ah qiimeynta mashruuca ugu balaadhan ee Somaliland laga wado, sidii ay xog uga helilahaayeen, ujeedada kale ee aanu u soconeyna waxaa ay aheyd dardargelinta mashruuca socda”Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidada Somaliland mudane Cabdillaahi Cismaan Abokor.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply