Hanti Dhowrka Qaranka oo Baadhaya Wasaarada Maaliyadda iyo Khaarajiga

0
608

Hargeysa- (Dawan)- Hanti dhawraha guud ee Somaliland, Axmed Yuusuf Dirrir ayaa sheegay in uu socdo baadhitaan ay ku hayaan wasaaraddaha arrimaha debadda iyo Maaliyadda, waxaanu xusay in baadhitaanka ay qayb ka yihiin Wasiiradda Dr. Sacad Cali Shire iyo Yuusuf Maxamed Cabdi oo hadda laga bedelay xilalka wasaaraddahaasi.

Axmed Yuusuf Dirrir ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen wasiirka cusub ee maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Wasiirkii hore Yuusuf oo qayb ka ah baadhitaanka uu hanti dhowrku waddo “Wasaaraddaha arrimaha dibadda iyo maaliyadda, waxaa nooga socotay baadhis, wasaaradda arrimaha debadda gebagebo ayey noogu dhowdahay, wasaaradda maaliyaddana muddo bil ayey nooga socotay, laba masuul waxan kala xidhiidhaynaa wixii baadhistayadu ku socotay” ayuu yidhi. Axmed Yuusuf Dirir.

Hanti dhawraha guud ee Somaliland, Axmed Yuusuf Dirrir waxa uu intaasi raacyay “Yuusuf iyada oo imika la geeyey meel aadamaha lagu dhisaayo markii hore meel lacag lagu dhisaayo ayuu joogee laakiin baadhis ahaan waxa ay noo joogaan wasaaraddihii hore imika, inta aan hawshadayda dhammaysanayo waxa aanu ka rajaynaynaa in ay lana samayn doonan wada shaqayn fiican.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply