Wefti ka Socday Dawladda Holland oo la Kulmay Madaxda Wasaaradda Qorshaynta

0
586

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay qaabilay wefti balaadhan oo ka socday dawladda Holland iyo hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan cuntadda iyo beeraha ee FAO.

Weftigani ka socday dawladda Holland waxaa hogaaminayay la taliyaha wasiirka arrimaha dibadda Holland iyadoo ay wehelinayeen xubno kale oo ka socday hay’adda FAO.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta Somaliland Cawaale Ibraahim Shirwac, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulanka ay weftiga la yeesheen iyo qodobadii ay ka wada hadleen waxaanu yidhi “Waxaanu maant (shalay) halkan ku qaabilnay madax sare oo ka socotay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Holland, oo uu hogaaminayay Mr. Xaashi iyo madax kaloo la socotay.

Waxa kale oo weftiga qayb ka ahaa madax sare oo ka socotay hay’adda FAO iyo xubno kale oo wehelinayay. Weftigan ka socday dalka Holland waxay u yimaadeen Somaliland in ay wax ka ogaadaan mashaariicaha iyo dalkeenu halka uu taagan yahay.”

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Dawladda Holland qayb ayay ka tahay mashaariicda horumarinta ee Somaliland ka socda, oo sida aad la socotaan sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF qayb ayay ka tahay. Waxa kaloo ay qayb ka tahay mashaariic wasaaradda cadaaladu ay waddo.

Maanta (shalay) waxaanu aad ugu faraxsanahay in madax sare oo ka socda Holland oo weliba xagga beeraha iyo horumarka ka tirsan in ay noo yimaadaan. Waxa kaloo sharaf noo ah in ninka weftigan hogaaminayay uu asal ahaan nin soomaali ah yahay”.

“Anagu na warbixin ayaanu siinay weftiga. Waxaanay u muuqataa in ay xagga horumarinta sida beeraha iyo dib-u-dhiska ay eegayaan sidii ay wax inoogala qaban lahaayeen. Inaga n aka soo kabashadda abaaraha iyo duufaanadda iyo waxyaabaha la xidhiidha ay inooga caawin lahaayeen.

Waxaanu kala tashanay in ay wax nagala qabtaan mashaariicaha waaweyn ee wax ka bedelaya, qaabka ay dadkeena baadiyaha iyo beeralayda ahi ay u nool yihiin. Waxaanay noo muujiyeen in ay nala qaateen fikirkaasi”ayuu yidhi wasiir Shirwac.

Geesta kale la taliyaha wasiirka arrimaha dibadda dawladda Holland oo weftigan hogaaminayay ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay sidii ay dawladda Somaliland uga caawin lahaayeen dhibaatooyinka ka dhasha musiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha iyo duufaanadda.

“Waan ku faraxsanahay in aan la kulano bulshadda Somaliland, si aanu u ogaano xaqiiqadda dhabta ah ee baadiyaha dalka ka jirta. Dawladda Holland waxaa ka go’an in ay wax ka qabato baahiyaha haysta bulshadda Somaliland.

Gaar ahaana dhibaatooyinka ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah iyo sidoo kale dhibaatooyinka xagga koboca ee gobolka ka jira. Taasina waa u jeedadda aanu halkan u nimid, anagoo la kulmi doona wasaarrado iyo hay’addo ka mida kuwa dawladda Somaliland iyo sidoo kale dadka ku nool meelaha ka baxsan magaalooyinka, si aanu u soo ogaano baahidda dhabta ah ee ay qabaan”ayuu yidhi Mr. Xaashi oo hogaaminayay weftigaasi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply