Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha oo Qudbad ka Jeediyay Xarunta Baarlamaanka Ingiriiska

0
594

London (Dawan):- Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Sheekh Aadan Cilmi, ayaa qudbad taariikhiya ka jeediyay xarunta baarlamaanka Ingiriiska,qudbaddaas oo uu kaga warramay marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay iyo waxyaabaha u qabsoomay iyo halka ay maanta marayso iyo sida loogu baahan yahay xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee Somaliland iyo ingiriisku ay wada lahaayeen la sii xoojiyo oo labada dal ay wada shaqeeyaan

Waxaa kale oo uu shir guddoonka baarlamaanka Ingiriiska uu gaadhsiiyay dhambaal uu ka siday shir guddoonka Somaliland oo shir guddoonka baarlamaanka Somaliland uu u gudbiyay baarlamaanka Ingiriiska,dhambaalkaas oo baarlamaanka Somaliland kaga hadlayay xidhiidhka labada baarlamaan iyo sii xoojinta xidhiidhkii ka dhexeeyay ee soo jireenka ahaa.

Weftiga Wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan uu hoggaaminayay oo ay ka mid ahaayeen xeer illaaliyaha guud ee qaranka Axmed Xasan Aadan,ergayga gaar ah ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Drs Edna Aadan Ismaaciil iyo la taliyaha wasiirka xidhiidhka goleyaasha Cabdikariin Cabdi Aadan.

Shir guddoonka baarlamaanka Somaliland ayaa isna dhawaan tegi doona London oo casuumad rasmi ah ka helay shir guddoonka Ingiriiska

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply