Hargeysa (Dawan):- “In kasta oo Jamhuuriyadda Somaliland aan si rasmi ah loo aqoonsan waxay leedahay dawlad shaqaynaysa, dastuur, iyo dhaqaale sannado badan kobcaya, sidoo kale nabadgelyo ayey ku naaloonaysaa Gobolka xasilooni-darradu ka jirto ee Geeska Afrika, Taasi waa sababta dad badan oo raadinaya nolol wanaagsan ay hadda dib ugu soo noqdaan Somaliland,” sidaa waxa lagu sheegay warbixin Dorraad la baahiyey.
Telefishanka dalka Jarmalka ee Deutsche Welle TV-da oo khamiistii baahiyey warbixinta lagu magacaabo Somaliland: Ku noqoshada muhaajiriinta, oo wargeyska DAWAN idiin soo turjumay ayaa lagu bilaabay:
“Muuqaalka macmacaanka roodhidu, keliya uma muuqdaan qurux, balse sidoo kale waa gaadhitaanka hadafkii nolosha,” Ifraax Cabdi Cartan, oo ku kortay dalka Maraykanka, dhalashadiisana haysata, waxay go’aansatay inay meherad ka furato Hargeysa, ku diyaariso keegag ay samayso, oo nasiibkeeda halkan ku tijaabiso, saddex sannadood horteed.
“Riyadayda inaan halkan ka bilaabo wax fiican ayey ahayd, ma fududeyn, maadama weli dalku curdin yahay, laakiin, inbadan oo naga mid ah, hawlahii way noo dhaqaaqeen, qof walba waxuu bilaabay shaqo cusub inuu bilaabo,” ayey tidhi Ifraax Cabdi.
Xilligan Ifraax waxa la shaqeeya afar qof, laba diyaarinta qaabilsan iyo laba macaamiisha u adeega, dhamaantoodna iyadaa tababarka siisay.
Sannadkii 1991 ayey Somaliland kala soo laabatay madaxbanaanideeda intii kale Soomaaliya, wallow aan la aqoonsan, waxay leedahay xukuumad si dimoqraadi ah loo soo doortay iyo nabadgelyo, dhaqaalahuna wuu kobcayaa.
Sannado horteed waxuu Cabdiraxmaan Balaaki ka hayaamay dalka
“Maalintaan tahriibayey waxaan aaminsanaa inaan dalka fursado ka jirin, qofkastoo ka tagana sidaa ayuu ku fekeraa, laakiin, hadii ayogaan lahaayeenin qofku shafarku leeyahay dalkiisa, xaqiiqdii cidna kama tahriibteen,” sidaa waxa yidhi Cabdiraxmaan Balaaki,
Waxuu nasiibkiisa ku tijaabiyey sacuudiga, balse waxba la’aan ayuu kaga soo noqday, manta ganacsi wanaagsan ayuu Hargeysa ku leeyahay, waxuu iibiyaa cuntada, sarifle lacagaha iyo shaqooyin kale.
Nuuradiin Cabdilaahi, qudhiisu, kama foga, waxuu tahriib ku tegay dalka Switzerland, maanta wuxuu ka shaqeeyaa bakhaar
“Markaan Switzerland tegay, balse kama helin waxaan filayey, ama niyadaku hayey, la yaab ayey igu noqotay, anigoo nolol fiican ku haystay halkan, inaan qaxooti noqdo, taasoo caqabad ku noqotay helitaanka waxaan ku hamiyayey.” Ayuu yidhi Nuuradiin Cabdillahi.
Ka dib markuu labasannadood xero qaxooti ku jiray, Cabdillaahi waxuu codsaday in Somaliland dib loogu soo celiyo, tigidhkii diyaaradawaa lagasoo bixiyey, balse weli amah gaadhaysay 10 kun dollar oo uu ku tahriibay ayaa bixinteeda laga sugayaa, oo wakhtigan marba qeyb uu bixiyo.
“Wax kale iska daa, waxaan waayey dhaqaale aan maryo siisto, anigoo sidaa ah ayey marmar xaaskaygu ila soo hadli jirtay si aan biil caruurta ugu soo diro, faro-madhnaan ayaan ku joogay Switzerland, xaaskayguna halkan ayey sidaa ku ahayd, wax kastoo igu dhacay, xilligan waan ku faraxsanahay inaan la joogo xaaskayga iyo caruurtaydii.” ayuu yidhi Cabdillahi.
Qurbajoog badan ayaa ganacsiyo kala duwan ka samaysanaya xilligan Hargeysa, iyo guud ahaanSomaliland, sidoo kale baddi haweenka ku soo laabtay dalku waa kuwo isweydaarsada fursadaha shaqooyinka la samaysan karo.
“Dalku manta wax walba wuu u baahan yahay, hadaad ka samaysanayso, waanad ku guulaysan karaa, keliya, inaad samirto ayaa loo baahan yahay, oo aanad isku-deyga koowaad ku niyad-jabin.” Ayey tidhi Ifraax.
Waxa loo baahan yahay in tababaro la siiyo da’yarta Somaliland, si ay fursadaha banaan uga faa’iidaystaan, ayey sheegtay, iyo macluumaad badan oo la xidhiidha halista iyo caqabadaha ka jira, hadii hamigoodu yahay u haajirida Qurbaha.
Cabdiraxmaan balaaki ayaa fikirkaa la qaba. “Tahriibku waa cudur saamayn ku yeeshay bulshada, waxa lagu joojin karaa in layska kaashado, oo xukuumada, aqoonyahanka iyo guud ahaan bulshadu inay ka tashadaan, si loo raadiyo xalkiisa.”
Madaarka Hargeysa waxa ka soo degay tiro dhalinyaro reer Somaliland oo dalka Liibiya laga soo celiyey, waa maxay qorshahoodu wakhtigan:
“Waxaan jecelahay inaan shaqo raadsado, ma kala jecli nooca ay tahay, markaan tahriibayey, dan kama lahayn, balse wakhtigan, annigaa ugu horeynaya raadsashada shaqo” ayuu yidhi Shakeeb Xasan.
Xilligan Ifraax iyo inbadan oo soo noqday Somaliland waxay u tahay dhulkii fursadaha, noloshuna badhaadhe ugu muuqato.
Dawannews Hargeysa office