Wajaale oo Afartan Sanno ka Dib Heshay Biyo ku Filan

0
390

Wajaale (Dawan)- Wafti ka socda Xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa shalay daah-furay mashruuca biyo gelinta ee degmada Tog-wajaale .

Degmda Tog-wajaale oo muddo ku dhow afartan sanno aan helin biyo ku filan, ayaa munaasibadii biyo gelinta, waxaa ka qayb galay masuuliyin ka socda Xukuumadd Somaliland, Midowga Yurub iyo ha’yadda UNICEF.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo madasha ka hadlay ayaa sharraxay maraaxilkii ay soo martay biyo gelinta degmada Tog-wajaale, waaxa uu yidhi “Sharaf ayey inoo tahay in aynu aragno biyaha Wajaale oo afartankii sanno ee u danbeyey ay ka jirtay baahi aad u xoog badani, in aynu maanta dul taaganahay iyada oo reer Wajaale ay ku naloonayaan biyo ay cabaan. Xukuumaddayada hadda jirtaa hawl aad u adag iyo xil weyn ayaannu iska saarnay in biyaha Wajaale ay noqdaan kuwo daboola baahida dadka reer Wajaale.”

Wasiirka Wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed oo isaguna goobtaasi ka hadlay, ayaa sheegay in wasiiradda xukuumada madaxweyne Muuse ay u tartamayaan dhinaca horumarka, waxaanu soo dhaweeyey dadaalada uu wado wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland, waxaanu yidhi “Xukuumadda uu hoggaaminaayo madaxweyne Muuse, golihiisa wasiiradu waxa ay u tartamayaan waxqabad, Saleeban aad ayuu u dadaalayaa, waa idinka arkaaya in meel walba ay biyo gelin ka socoto.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply