Wasiirka Arimaha Gudaha oo Jawaab Adag ka Bixiyay Hadal Gef ah oo ka soo Yeedhay Madaxweynaha Kililka Shanaad

0
404

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal gef ku ah qaranka Somaliland, oo ka soo yeedhay madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar oo Somaliland ku sheegay dal ay ku nool yihiin dad fal dambiyeedyo ka geystay dalka Itoobiya, gaar ahaan kililka shanaad oo baxsad ku soo galay Somaliland. Isla markaana ku hawlan falal argagixiso oo lid ku ah Itoobiya.

Wasiir Maxamed Kaahin waxa uu xasuusiyay madaxweynaha Kililka shanaad ee saaxadda siyaasadda ku cusub in 27-ka sannadood ee Somaliland jirtay in ay dalka Itoobiya lahaayeen xidhiidh walaalnimo iyo mid iskaashi oo aanay Somaliland marnaba ka suura gelin in ay Itoobiya iyo dal kale oo deriskeeda ah iyo guud ahaan caalamkaba in cid cadaw ku ahi ay ku dhex dhuumato, iskaba daa in ay ku noolaato’e.

Waxa kale oo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed uu si cad ugu sheegay Madaxweyne Cagjar in hadalka ka soo yeedhay in uu yahay mid gef ku ah qaranka Somaliland oo aan ka qaban masuul xil ka haya dal ay xidhiidh dhaw oo qoto dheer wada leeyihiin oo ay nolol wadaagaan.

Waxa kale oo wasiirku iftiimiyay sidii dawladda Somaliland uga hawl gashay markii kililka shanaan shaqaaqadu ka dhacday sidii masuuliyadda ahayd ee ka turjumaysay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal ee ay gacanta ugu soo wada dhigtay dhammaan gaadiidkii iyo hantidii lagala soo baxsaday ee ay iyadoo aan baanad gaadhi ka maqnayn ay ugu wareejisay madaxda dawladda Itoobiya gaar ahaan kililka shanaad.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay sida ay ka xukuumad iyo xisbiga KULMIYE ahaanba diyaarka ugu yihiim in asxaabta qaranku ay iskaga timaado sidii dalka doorashooyinku ay uga qabsoomi lahaayeen ee ay talo qaran uga wada yeelan lahaayeen, iskagana dhegaysan lahaayeen aaraada ay ka kala qabaan arrimaha doorashada, taas oo uu iftiimiyay sida ay ka xisbi KULMIYE ahaan iyo ka xukuumad ahaanba diyaarka ugu yihiin in asxaabta qaranku arrimaha doorashooyinka ay talo qaran ka yeeshaan taas oo ah masiir qaran.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Dalka Somaliland ee Bajaaj lagala soo baxsaday Itoobiya ay ku dhex qarsoomi weyday wax kale kuma dhex-qarsoomi karaan, teeda kale dawladda Somaliland siyaasaddeeda iyo curfigeeda midna maaha dalalka jaarka ah inay u hayaan oo halkan ku masruufaan oo halkan ku carbiyaan, dad dawladdaha ay jaarka yihiin ka soo horjeeda, madaxweynaha dawladd deegaanka waxaan leeyahay saaxiib nagama kaa qabato inaad labada dal arrin noocaasi ah aad ku tilmaanto waxaanu jecelahay in arrintaasi uu dib u saxo”

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaasi raaciyay “Maalin dhaweyd ayay aheyd markii madaxweynaha dawlad deegaaneedka Soomaalida Itoobiya hadal uu jeediyay uu ku sheegay, ‘in dadkii dambiyada ka geystay waagi dhaweyd kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya inay joogaan Somaliland iyo meelo Soomaaliya ka mid ah, sida Puntland iyo meelo kale oo uu magacaabay, kuwaasi oo uu xusay inay qaraxyo iyo arrimo kale u maleegayaan.”

Wasiirka ayaa intaa ku daray in hadalka ka soo yeedhay masuulka madaxweynaha ka ah kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya in aanu ahayn hadal qabta Somaliland isla matkaana ay aad uga xun yihiin ka dawlad ahaan in madawxeynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya oo hantidii lagala soo goostay deegaankiisa ay iyadoo dhammaystiran ay gacanta u geliyeen in uu Somaliland ugu abaal gudo in u ku sheego meel cadaw Itoobiya lid ku ahi uu ku nool yahay, waxaanu yidhi. “Aad iyo aad ayaanu uga xunnahay in arrintaasi ka soo yeedho, madaxweynaha dawladd deegaanka, dawladda Somalilandna aad iyo aad ayay uga xun tahay dawladda Somaliland iyo guud ahaan qarankuba, waxaan u sheegayna in 27-kii sano ee ay Somaliliand jirtay xidhiidh aad u wanaagsan oo aad u qoto dheer oo derisnimo, walaalnimo, siyaasadeed, ay la laheyd dawladda Itoobiya”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaaintaa raaciyay “Waagi dhaweyd ee shaqaaqadu ka dhacday Kililka Shanaad, wax alaale wixii lagala baxsaday dawladda Itoobiya, ee dawladd deegaaneedka Soomaaliyeed, sida ay u dhan tahay Somaliland waa dalka qudha ee wax alaale wax ku dhex qarsoomay aanay jirin, gaadiid aad u tiro badan oo lagala soo baxsaday sidii ay u dhammaayeena dawladda Somaliland gacanta ayay ku qabatay, hase ahaate wixii Soomaaliya lala galay, haddii ay hub tahay, hadii gaadiid tahay intaba iyaga ayaa is weydiin doona inay wax kaga soo noqdeen iyo in kale laakiin waxaa aanu ka war heynaa in aanay waxba kaga soo noqonin, xataa booyadihii shidaalka ahaa ee aanu qabaney iyaga oo sidoodii u buuxa ayaanu u celinay”

Wasiirku waxaa kale oo uu ka hadlay in doorashooyinka Somaliland loo baahan yahay in talo qaran ay ka wada yeeshaan oo talo la isugu yimaaddo isla markaana ay iska afgartaan sida ugu wanaagsna ee ay dalka doorashooyinku kaga qabsoomi karaan oo ah mid u taalla sadexda xisbi qaran oo aan mid keli ahi go’aan ka gaadhi karin.

Waxaanu yidhi wasiirka oo arrintaa ka hadlayaana “Xisbiga Waddani labadii waraaqoodba waa kuwan tii uu ku soo magacaabay 29-march ee uu gudida madaxda ka ahaa waakan, tii uu yidhi koomishanka hala eryana ee saddex cisho dabadeedna waata, 3-dii bishana waxaa loo balansana in la fadhiisto, haddii tii hore inoo suuragliweyday annagu halkayagii ayuunbaanu taagannahay inay doorashadii qabsoonto, kaligayana doorashada ma qaban karno cidda tidhi doorashada galimeyno oo qabsoomimeyso waa xisbiga WADDANI, xeerkaasina annagu umaanaan dejin, komishankuna xeerkaasi ayay ku fadhiyaan, dacwaddii ay yidhaaheen waxaanu kaga dacwooneynaa komishankana waxa ay noqotay mid aan caddeyn karin in komishanku ay ku noqon karaan dad komishanka xilkaasi lagaga qaadi karo, gudida doorashooyinkana annagu saaxiib gaara lama nihin, tii barigii hore nalaga helayba 48 cod ayaanu banaankaasi kaga marney tanna halkaas ayuunbaanu ka mari laheyn, si ay doorasho u qabsoonto saddexda xisbi qaran intay isu yimaadan haka wada hadlaan, is qanciyaan aaraadana iska dhageystaan, talana ay ka dhiibtaan mudada ay la tahay in la kordhiyo annagu hoggaanka mudada ma lihin hase ahaate talo ayaanu soo jeedin karnaa, iyo in wixii xeerka doorashadu uu noo fasaxayo aanu ka wada hadalo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply