Guddida Qandaraasyada oo Furay Tartanka Saddex Mashuuc oo Waaweyn

0
390

Hargeysa (Dawan) Guddida qandaraasyadda qaranka Somaliland ayaa shalay daah-furay tartan loo galeyo saddex mashruuc oo kala duwan.

Guddoomiyaha gudidda qandaraasyadda qaranka Somaliland mudane Nuux Maxamed Xuseen ayaa sheegay in tartankan ay furayaan ay ujeedadiisu tahay saddex mashruuc oo loo gelayo, dhisme cusub oo lagu kordhin doono cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa iyo waliba laba mashruuc oo kale oo loo fulin doono wasaaradda maaliyadda.

Daahfurkii tartankani ayaa lagu qabtay xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, kaasi oo ay ka soo qayb qaateen shirkado badan oo dhanka dhismaha ahi.

Nuux Maxamed Xuseen, guddoomiyaha gudidda qandaraasyadda qaranka Somaliland ayaa sheegay in mashaariicaha kala duwan ee mudada sanadka ah lagu tartamayay ay yihiin cashuurtii bulshadda laga qaaday ee aanay aheyn wax meel kale ka yimid waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Saaka waxaa lagu tartamayaa saddex mashruuc, saddexdaasi oo kala ah cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa dhisme lagu kordhinayo, iyo laba dhisme oo wasaaradda maaliyaddu leedahay, haddii aanu nahay guddida qandaraasyadda qaranka waxaanu idiin ballanqaadeynaa dhammaan shirkaddaha tartamaya caddaalad iyo sinnaan, Insha Allaahu.

Waxaan ku darayaa su’aal ay bulshadu na soo weydiiso haddii aanu nahay gudida qandaraasyadda qaranka oo ah qandaraasyaddan aad bixisaan ma cid baa inaga caawisa mise waa cashuurtii bulshada laga qaaday, hal mashruuc oo waddada Hargeysa iyo Kalabeydh ah mooyaane inta kaleba waa cashuurtii leydinka qaaday.”

Agaasimaha guud ee guddida qandaraasyadda qaranka Somaliland mudane Maxamed Axmed Xasan (Jabarti-Saadle) ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyay furitaanka tartanka qandaraaskani waxaanu yidhi “29-kii November ayay guddida qandaraasyadda qaranku go’aan guddi ku baahiyeen, waxayna ku ekayd baahintu labadii bishan, saddexdii bishanna waa la soo xareynayay, maanta oo ay bishu tahay 4 na waanu furnay.”

“Intii ay dhalatay xukuumaddan taladda heysaa, guddida qandaraasyadda qaranku wax badan oo faa’ido iyo horumar leh ayaanu arkeynaa, waxaanu arkaynaa tartannada qandaraasyada oo si wacan oo caddaaladda loo soo dhejinayo, aniga oo ka socda shirkadda Bare Construction Company, aad baanu ugu mahad naqaynaa guddida qandaraasyadda qaranka, sideed jeer ayaanu ka soo qayb galay gudida qandaraasyadda qaranka sideeddii jeer ba waa leyga helay, si wanaagsan oo hufnaanana ayaa la iiga helay, aad iyo aad ayaan idinku amaanayaa, in shaqada sidaasi iyo si ka wanaagsanba aad noogu sii wadaan” ayay yidhaaheen qaar ka mida shirkadihii ka qayb qaadanayay tartankani.

Agaasimaha guud ee cisbitaalka Hargeysa Cumar Axmed Askar iyo masuul kale oo ka tirsan wasaaradda horumarinta maaliyadda oo ahaa hay’addihii mashaariicdani loo fulinayay oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa yidhi “Guddida qandaraasyada qaranka oo si daahfuran oo aynu wada arkeyno maanta aynu halkan isugu wada nimid, iyada oo hawshuna u socoto qaab aannu ku kalsoonahay oo horteenana lagu wadda furay, anaga oo matalaya wasaaradda horumarinta maaliyadda waxaa halkani na loogu furay laba qandaraas oo kala ah cashuuraha bariga ee Berbera iyo hool ay noo dhisayso hay’adda DRC”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply