Hay’adda Shaqaalaha oo Imtixaan ka Qaaday Aqoonyahanka Reer Sool

0
379

Ceerigaabo (Dawan)- Hay’adda shaqaalaha Dowladda Somaliland, ayaa Imtixaankii loo gelaayey 50 kaalmo shaqo ee dawladdu ka qaadanaysay gobolka Sool ka qaaday Wiilal iyo Gabdho ka mid ah aqoonyahanka iyo jaamiciyiinta ku dhaqan Gobolka Sool oo tiradoodu dhan tahay boqol iyo sagaashan qof.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ee Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Wefti uu hoggaaminaayo kana mid ahaayeen Guddida Hay’adda shaqaalaha oo ku sugan magaalada Laascanood, ayaa shalay Xarunta Jaamacadda Nugaal, Imtixaan kaga qaaday Aqoonyahanka iyo dhallinyarta Wiilasha iyo Gabdhaha ku dhaqan gobolkaasi Sool kuwaasi oo Tartan u geli doono 50 Kaalmo shaqooyin oo dawladdu qaadanayso.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo sharaxaayey Imtixaanka ay aqoonyahanka Gobolka Sool shalay kaga qadayeen magaaladda Laascaanood loona gelaayo 50-ka kaalmooyinka shaqo ee dowladdu qaadanayso ayaa yidhi “Maanta (shalay) waxaanu magaaladda Laascaanood gaar ahaan Xarunta Jaamacadda Nugaal ku qaadaynaa Imtixaankii loogu talo galay 50 Arday ee ugu sareeya dowladdu shaqaale u qaadanayso, marka Illaahay waxaan idiinka rajaynayaa guul intii Illaahay u qoray 50 kaalmood ee shaqaaloobaya inay si qurux badan u soo baxdo inteena kale qof waloowba qalinkaaga ka sakow qadar ayaa jira iyo quud ka sareeya, maanta waxa guulaysanaya ka sakow qadarka, qalinka iyo qorshaha aynu ku baxayno inta qof ee Illaahay sumxaanuhu wa tacaala u qadaro, halkan 50-ka kaalmood ee u sareeya ee soo baxa waxaan idiin sheegayaa waxay noqonayaan 50 shaqaale oo ka shaqayn doona gobolka Sool ka hawlgeli doona sida darteed hadii uu jiro Arday reer Sool ah oo waxbarasho ahaan iyo deegaan ahaan degan gobol kale , laakiin kaadhkiisa dhalashadu uu u saaciday in uu gobolka Sool Imtixaan ku galo, hadii uu guulaysto halkan ayuumbu ka shaqaynayaa , hadii uu ka shaqayn kari waayana Ardayga ku sii xiga xaga Imtixaanka ayuumba la qaadanayaa oo wasaaradaha qaranka uu ka hawlgeli kari waayo”

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi,”Imtixaanka saako oo aynu imika wada joogno ayaa la sameynayaa hada Imtixaan ma sidano balse hada ayaa la sameynayaa diyaarintiisu wakhti ayuu qaadan doona si inta guulaysata deg deg (Oraintion) loogu sameeyo goboladii kale Imtixaankana looga qaado , gobolka Sool caasimaddiisa Laascaanood aanu markii 2aad maanta joogno waan idiin hambalyeynayaa in aad ku beegantaan ama qarankeenu gaadho in maamul daadejin iyo Imtixaanadu ka dhacaan meelaha ugu soo fog ee runtii loo soo dhaadhicin karo dunida oo dhan Imtixaanada meelo fog ayaa mararka qaar loo safraa, laakiin adeega ayaa la doonayaa inay dawladdu soo dhaadhiciso, waxa la doonayaa qofka Laascaanood jooga wax aliyaa la wixii uu Hargeysa ka heli jiray in uu Laascaanood ka helo ee ah adeega dawladnimada , dadkeena shaqooyinkan dawladda ku guulaysta waxa loo leeyahay halkan gobolkiina Sool ka shaqeeya waa adeegii safarka dheer loogu tegaayey baahidiisa Caasimadda Hargeysa ayaa la doonayaa in gobolada ay ka qabsoomaan oo laga helo, Imtixaanadeeda oo kaliya idiinma soo daadejino, laakiin maamulka oo dhan ayaa la soo daadejinayaa oo miisaaniyadda iyo shaqaalaheeda iyo shaqada ay qaranka u qabataba waa inay soo dhaadhacdo oo qofku isaga oo Laascaanood jooga halkan adeegyada dawliga oo dhan uu ka wada helo, marka Imtixaan uun ma dhaadhicinayno oo waa adeegyadii dawliga ahaa oo dhan , Imtixaanka aanu qaadayno oo ku dhisan Imtixaan furan, qalin furan iyo Qadarka, mar kale inta guulaysata waan u hambalyeynayaa inteena kale ee Imtixaankan ka qaybgalaysa mar kale ayeydun Inshaalaah idinkuna guulaysan”

Ugu dabayn Waxa ay guddiga ha’yadda shaqaalaha dowladdu xalay soo dhejiyeen natiijada Imataxaankii laga qaaday boqol iyo sagaashanka qof oo ay ku guulaysteen konton ka mid ah .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply