Badhasaabka Sanaag oo Degmada Fiqifuliye ka Furay Mashaariic Xukuumaddu Hirgelisay

0
546

Sanaag (Dawan):- Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) ayaa xadhiga ka jaray oo si rasmi ah u furay mashaariic horumarineed oo xukuumaddu ka fulisay degmada Fiqi Fuliye ee Koonfurta gobolka Sanaag isla markaana dhagax dhigay mashaariic kale oo xukuumaddu ka fulinayso deegaano ka tirsan koonfurta gobolka Sanaag.

Wefti heer gobol ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Sanaag isla markaana ay xubno ka yihiin taliye qaybeedyada ciidamada booliska,qaranka iyo asluunta iyo isuduweyaasha qaar ka mid ah wasaaradahada dalka,oo socdaal shaqo ku marayay koonfurta gobolka Sanaag,ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay deegaamada ardaa, boodda cadde, Fiqi Fuliye iyo Kulaal oo dhammaantood ka tirsan koonfurta gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha iyo weftiga uu hoggaaminayo,ayaa markii ay gaadheen degmada Fiqi Fuliye,ayaa dadweynaha hadal u jeediyay isla markaana ballan qaaday in xukuumaddu ay wax badan ka qabanayso arrimana nabad gelyada,caafimaadka iyo waxbarashada,isla markaana waxaa uu xadhiga ka jaray Riig biyood xukuumaddu ka hir gelisay degmada Fiqi Fuliye.

Guddoomiye Tiimbaro oo la hadlayay dadweynaha degmada Fiqi Fuliye,ayaa yidhi. “waxay indho arkaan ayay ilko gooyaan ayaa la yidhi,waxaan ballan qaadayaa labada degmo ee koonfurta Sanaag ee Fiqi Fuliye iyo Awr boogays in aan xoog iyo awood aan xinniinyo waxaan leeyahay aan isugu geeyo oo aan dawladnimada iyo maamul daadejinta ka hir geliyo,gaar ahaan meelaha ugu aasaasi san nolosha in aanu wax ka qabano oo kala ah biyaha,caafimaadka iyo waxbarashada.”

Intaa ka dib guddoomiye Tiimbaro waxaa uu xadhiga ka jaray riig biyood oo degmada Fiqi Fuliye ay xukuumaddu ka hir gelisay.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa oo socdaalkooda shaqo sii wata,ayaa markii ay gaadheen deegaanka Kulaal oo markii ay gaadheen guddoomiyaha iyo weftigiisu ay warbixinno ka dhegaysteen waxgaradka deegaanka.

Waxaanu guddoomiye Tiimbaro deegaanka Kulaal ka dhagax dhigay dhismeyaasha xarun caafimaad iyo saldhig booliis oo deegaankaas Xukuumaddu ka hir gelinsayo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply