Madaxwayne ku Xigeenka oo Walaac Ka Muujiyey Tayadda Jaamacadaha Dalka

0
424

Hargeysa-(Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in loo baahan yahay in kor loo qaado tayada waxbarashada Jaamacadaha dalka si ay u soo saaran arday aqoon leh oo dalka manfac ku soo kordhisa.

Cabdiraxmaan cabdilaahi Ismaaciil waxa uu sidaasa ka sheegay shirweyn lagu gorfaynaayey kor qaadista tayada waxbarashada dalka oo shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaynu u baahan yahay in Jaamacaduhu ay ku tartamaan tayo hadda laga bilaabo laakiin in ay tiro ku tartamaan uma baahnin, waxa aad mooday in ay ku tartamayaan tiro un oo arrinta ka dhigeen ganacsi , qof walba waxa uu rabaa in ay wax wanaagsanaadan marka waa in aynu wanaaga xoojina oo ninkasta oo xil loo dhiibay daacad ka noqdaa , inta aad kuliyada cusub furaysaan waxa habboon in aad intiina tayeysaan.”

Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu sheegay in xukuumad ahaan ay waddan qorshe guddiga tacliinta sare lagag saaraayo xubnaha matela jaamacadaha , waxana uu yidhi “guddiga sare ee tacliinta waan ku noqonaya , waxanan ugu noqonay si loo dadargeliyo tayada tacliinta , waxa aan isla garanay in laga dhigo guddi madax banaan oo aanay ku jirin jaamacaduhu sababtoo ah qofku isma dawayn karo ee waa la daweeya , qofkii la doonayey in saxo inuu guddiga ku jiro wax aka habboon inuu guddiga debadda ka ahaado.”

Ugu danbayn Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay wado qorshe lagu saxaayo waxbarashada dalka oo dhan heer dugsi hoose ilaa sare, waxana uu yidhi “Dowlad ahaan waxa aanu ku dadaalaynaa in tacliinta xagga hoose laga soo saxa dugsi hoose ilaa sare idinku waa idin aad dhiniciina arrinta ku dadaashan”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply