Xukuumadda Somaliland oo u Digtay Ganacsato Ruqsad ka Qaatay Soomaaliya

0
442

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyradka Badaha Somaliland mudane Xasan Maxamed Gaafaadhi ayaa sheegay in aanay waxba ka khusey 31 ruqsadood oo ay wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyradka badu siiyay ganacsato Chines ahi ay kaga kaluumaysan doonaan baddaha Soomaaliya, wasiirku wuxuu xusay in ruqsahaas ay bixiyeen ay badaha Somaliland ku jiraan.

Waxaanu wasiir Gaafaadhi xusay in tani ay tahay dhagar kale oo dawladda Soomaaliya ay u maleegeyso Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu uga digey ganacsatadda ruqsadahaasi la siiyay in aanay soo galin Badaha Somaliland, hadii ay soo galaana loola dhaqmi doono sidii ay kalluun ka gurteen Badaha Somaliland, islamarkaana la marin doono ciqaab.

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyradka Badaha Somaliland mudane Xasan Maxamed Gaafaadhi isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Ruqsadda ay dawladdaasi Faderalku bixisay in aanay wax alaale wax ka khuseeya Jamhuuriyadda Somaliland aaney jirin ee ay ku eeg tahay inta xukuumaddaasi isku mashquulsani ay iyaddu xukunto”

Dhanka kale wasiir Gaafaadhi waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay boobka sharciyeysan ee lagu bixiyay hanti umaddi laheyd waxaanu yidhi “Waxaanu ka xunnahay dhaca iyo boobka sharciyeysan ee lagu bixiyay kheyraadka ummadii laheyd ay ka qatan tahay, iyadda oo ay aheyd in iyaga la iibsado, faro guudkoodna wax yar lagaga qaatay, haddii aaney ragaasi ruqsadda bixiyay iyaga laftoodu maraakiibtaasi kula ahayn shuraako, iyadda oo muddooyinkan dambeba xukuumadda Muqdisho ay ku hawla-neyd sidii ay u waxyeeleyn laheyd Jamhuuriyadda Somaliland, tanina waxay noqoneysaa iyadda oo ku carineysa tahli waaga ay tahli kariweyday xilka ay umaddeeda u heysay, waana dhagar kale oo ay ku talo gashay inay Somaliland u maleegto, hase ahaate aaney waxba ku yeeli kareyn, burbur ayaana Muqdisho ka jira oo xukuumaddii halkaasi iyada ayaa isku maqan , waxaaney u eeg tahay ruqsadan maraakiinta la siiyay mid ay bixisay xukuumadd wakhtigeedi dhammaaday oo nin waliba wixii uu hayo uu ku sii faro laabayo.”

Wasiir Xasan Maxamed Gaafaadhi waxaa uu hoosta ka xariiqay in cidii lagu qabto iyadda oo Badaha Somaliland si sharcidaro ah uga Kalluumeysaneysa in la marin doono ciqaabta ku waajibtay waxaanu yidhi “Waxaanu leenahay kasta oo la siiyay ruqsadaasu in aaney ku jirin biyo badeedka Somaliland oo aaney waxna ka khuseynin Somaliland Baddeeda iyo Barrigeeda waa ay ilaashataa, waaney difaacan kartaa, cidkasta oo lagu qabto iyadda oo mareysa biyo badeedka Somaliland ama lagu qabto iyadda oo sidata Kalluun meeshay doontaba haka keentee waxaa loola macaamilayaa sidii Kalluun ay ka guratay Bada Somaliland, waxaana la marinayaa ciqaabta ku waajibtay waxaanu uga digeyna cidkasta inay ixtiraamto islamarkaana aaney ku darsanin ruqsadaha beenta ah, ee dawladda itaalka darani ay bixisay.”

Ruqsadii maraakiibta shisheeye kaga Kalluumeysan jireen Badaha Jamhuuriyada Somaliland waa la joojiyay oo waxay wasaaraddu joojisay Jeenawari 11-keedii sidii ayaanay wali sideedi u taagan tahay”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply