Guddida Qandaraasyada Qaranka oo Fuliyay Qodob ka Mid ah Ballan Qaadyadii Madaxweyne Muuse Biixi

0
647

Berbera(Dawan)- Guddida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaaciyey shan Shirkadood oo ku guulaystay mashaariic kala duwan oo laga fulinayo qaybo ka mid ah Gobollada dalka oo si xor ah loogu tartamay magaalada Berbera ee gobolka Saaxil, waxaanay Guddidu ka dhabbeeyeen ballan-qaadyadii madaxweynaha ee la xidhiidhay in si xor ah loogu baratamo qandaraasyada dalka.

Mashaariicdaas shalay la kala helay ayaa kala ahaa laba Dhaam-biyood laga sameynayo degmooyinka Allay-baday iyo Talleex, Roog cagaaran oo la dhigayo Garoonka Kubadda Cagta Berbera, Riig biyood laga qodayo degaanka Waddo-bariis ee gobolka Maroodi-jeex iyo dhisme cusub oo ay leedahay Wasaaradda Waxbarashadda ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada oo ka hadlayey daahfurkii mashaariicdaas wuxuu yidhi; “Shirkaddaha ku tartamaya shanta mashruuc sidii caaddada u aheyd Guddida Qandaraasyadda qaranka, waxaaNnu idiin ballan-qaadeyn in aanu tartan caddaalad ah oo xor iyo xalaala aanu idinku qaban doono, tii ayaanu ku shaqeynaynaa.”

Agaasimaha guud ee guddida qandaraasyada qaranka Somaliland mudane Maxamed Axmed Xasan (Jabarti-Saadle) ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Shaqadii muddada badan inoo soo socotay oo ka soo bilaabantay siddeedii bishan, shalayna aynu ku daahfurnay magaalada Berbera, shaqadaas muddada soo socotay ayay guddida qandaraasyadu inoogu soo gabagabaynaysaa.

Waynu ognahay ka guddi qandaraasyo ahaan iyo qaran ahaan ba, guddida qandaraasyada qaranku si xor iyo xalaal ah ayay tartanka u qabtaan, maalin ba shirkad ayaa guulaysata, taasina waa siffaha caddaalada iyo tartanka xorta ah lagu garto.”

Sidoo kale, Agaasimaha Wasaaradda Horumarinta Biyaha Md. Jamaal Cabdi Muuse ayaa ka markhaati kacay daahfurnaanta mashaariicdaas loogu tartamay waxaanu xusay in ahayd ballanqaadkii xisbal-xaakimka KULMIYE xilligii ololaha doorashada; “Farxadweyn ayey ii tahay in aan goob joog ka noqdo daahfurka mashaariicda biyaha iyo qodaalka ceelasha, dhab ahaan waa ballan-qaadyadii xukuumadda oo fulay, waana ballan-qaadkii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu dadka ay u sameeyeen markii ay tartamayeen, waa hoggaamintii wasiirka wasaaradda oo dhabowday, tanina waa dedaalkii masuuliyiinta kala duwan ee wasaaradda waana guul qaran, sida ay hawshu u socotana aad iyo aad ayaa loo soo dhaweynayaa waanan ku faraxsannahay oo si wanaagsan ayey u socotaa, waxaanan rajeynayaa in natiijo wanaagsan oo sinaana oo caddaalad ahi ay ka soo baxdo.”

Badhasaabka gobolka Saaxil In. Axmed Cismaan Xasan ayaa si weyn u soo dhaweeyey daahfurka shantan mashruuc ee qaybta ah guulo aan la qarin karin ee xukuumaddu gaadhay in tartammada qandaraasyada lagu qabto gobollada waddanka oo aanay ku ekaanin caasimadda oo kaliya.

Waxa jimcihii shalay Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyadda Qaranka, Nuux Maxamed Xuseen, ku dhawaaqay shirkaddaha ku guuleystay mashaariicaha horumarineed ee laga fulin doono qayb gobollada iyo degmooyinka dalka qaarkood waxaannu yidhi; “Waxaannu ku dhawaaqaynaa shantii shirkadood ee ku guuleystay shantii mashruuc ee aanu Khamiistii daahfurnay waxa ku guuleystay Dhaamka Alleybaday Amal JV, dhaamka degmadda Taleex waxa ku guuleystay Ilhaan Construction, Rooga Cagaaran ee la dhigayo garoonka degmada Berbera waxa heshay Al-Khadar Construction, dhismaha Wasaaradda Waxbarashadda waxa ku guulaystay Khalaf Construction,halka Riig biyoodka Wada-bariis laga hirgelinayo ay qaadatay Ixsaan Construction.”

Sidoo kale waxa goobtaas ka hadlay masuuliyiin u hadlayey shirkadihii lagaga guulaystay tartankii shantaas qandaraas, waxaanay caddeeyeen in qandaraasyadaasi loogu tartamayey si hufan oo xor ah, waxaanay bogaadiyeen shirkadihii ku guulaystay oo ay xaqiijiyeen inay u haneeyeen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply