“Waxaan ugu Baaqayaa Ganacsatada in Aanay Bulshada ka Iibin Ascaarta Dhacaysa”

0
398

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal oo ka mid mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa ganacsatada dalka ugu baaqay in aanay bulshada ka iibin ascaarta ay hayaan ee sannadkan dhacaysa, sidoo kalena waxa uu bulshada u soo jeediyay in ay isticmaalaan lacagta Somaliland si shilinkeenu qiimo u yeelasho.

Khadar Xuseen Sahal oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in hoos u dhaca ku yimid isku badalka lacagta shilnka Somaliland iyo lacagta doolarka ay keentay dadweynaha oo muddooyinkii ugu danbeeyay fahmay isticmaalka shilinka lacagta dalka.

Khadar Xuseen Sahal oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aynu ka qaylinaynay sicir bararka iyo sarifka doolarka oo kor u kaca, maalmahan laakiin waxa aad moodaa hoos u dhac ku yimid isku badalka lacagta shilinka Somaliland iyo lacagta doolarka, waxaana keenay hoos u dhacaas dadweynihii Somaliland oo fahmay isticmaalka shilinka Somaliland, waxaana aan leeyahay dadweynaha isticmaala lacagtiina Somaliland oo wax ku iibsada, si lacagteenu qiimo u yeelato oo ay kor ugu soo kacdo”.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in sannadkan 2018 ee bishii ugu danbaysay lagu jiro ay dhacayaan wax yaabo badan oo yaala Tukaamada iyo Bakhaarada dalka. Waxaana uu yidhi “Sannadkii 2018 wuu dhamaanayaa, wax kasta oo ka mid ah ascaarta la iibiyaana taariikh ay ku dhacaan ayay leeyhiin, waxaana dhacaya wax badan oo alaabooyina iyo ascaarta oo tukaamada iyo Bakhaarada yaala, waxaana aan u soo jeedinayaa ganacsada in aanay wax yaabihii dhacay umadda aanay ka iibin, waana in hay’ada dhawrista tayada ku war galiyaan waxyaabaha dhacay”.

Sidoo kale Xildhibaanku waxa uu sheegay in loo baahanyahay in wax laga qabto Tukaamada iyo kabadhada qaadka ee laga ag sameeyay dhakhtarka wayn ee magaalada Hargaysa. Waxaana uu yidhi “Dhakhtarka way ee magaalada Hargaysa hortiisii baarkinkii Baabuurta la dhigan lahaa waxa laga hor sameeyay Tukaamo iyo kabadho qaad, Gaadhi sida qof dhaawaca ayaa la odhanayaa dhaqaaq dawlada hoose iyo wasaarada caafimaadka waanu kal hadalnay arinkaas iyo dawlada hoose.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply