Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Maraykanka Kula Kulmay Masuuliyiin Ka Tirsan Dawladda iyo Xildhibaanno

0
431

Washington (Dawan)- Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda jamhuuriyadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo safar shaqo ku jooga dalka Maraykanka ayaa magaaladda New York, kulan kula yeeshay ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramadda midoobay Mrs. Amina J. Maxamed.

Sidoo kale wasiirku waxa uu kulamo muhiima la qaatay xildhibaanno ka tirsan goleyaasha baarlamaanka dalka Maraykan iyo masuuliyiin ka mid ah madaxda hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha dimoqraadiyadda iyo kuwa bani’aadan-nimadda.

Wasiir Faratoon oo faahfaahin ka bixinayay waxyaabaha uga qabsoomay safarka shaqo ee uu Maraykanka ku joogo, waxa uu yidhi “Hawlo badan ayaa noo qabsoomay aniga iyo weftiga ila socday-ba, ilaa in ka badan 20 kulan ayaanu la yeelanay xubno ka mida congress-ka, Senate-ka iyo aqalka wakiilada-ba.

Waxaa noo qabsoomay in aanu la kulanay Waaxyo badan oo kuwa dawladda Maraykanka ka tirsan, oo State department-ku ka mid yahay oo aanu saddex ka mida la kulanay”.

Waxaanu intaas ku daray “Waxa kaloo aanu la kulanay (Think Thanks) oo ah kuwa xukuma oo maskaxda dadka, dareenka dadka iyo fekerka dadka hogaamiya. Think Thanks-ku waa hay’ado dad aqoon yahano u badani ay ka shaqeeyaan, hay’adahaas oo aad u fara badan iyo kuwo badan oo warbaahinta ah ayaan la kulanay.

Ugu yaraan afar ka mida kuwa ugu waaweyn warbaahinta dalka Maraykanka ama caalamkaba aad looga akhristo jaraa’idkooda iyo TV-yadda ayaana ka mid ahaa. Shalay na (Khamiistii), waxaanu la kulanay ku-xigeenka hoghayaha guud ee qaramadda midoobay, oo shir dheer oo saacad ku dhaw aanu la yeelanay” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Wasiir Yaasiin Faratoon, wuxuu sharaxay qodobadda ugu muhiimsan ee masuuliyiinta iyo madaxda kala duwan ee ay la kulmeen ay u soo bandhigayeen ama kala hadleen.

Waxaanu yidhi “Dhamaantood ba intaa aanu la kulanay waxaanu kala hadlaynay danaha Somaliland iyo aqoonsigeedda iyo waxtarkeedda guud ahaan iyo wixii aanu u arkaynay in ay muhiim yihiin.

Waxaan qabaa ama dareensanahay dhamaantood kulamadda aanu yeelanay inay ahaayeen kuwo midho-dhal noqday, oo guul ku dhamaaday. Intooda badan waxay u ekaayeen kuwo arkaya oo fahmi kara qadiyadda Somaliland”.

Geesta kale wasiir arrimaha dibadda Somaliland waxa uu sheegay in ka sakow arrinta qadiyadda aqoonsiga Somaliland sidoo kale-na masuuliyiinta ay la kulmeen ay kala hadleen sidii hay’adaha jamciyadda quruumaha iyo kuwa dawladda Maraykankuba ay kaalmo dhinaca bini’aadan-nimadda ah u siin lahaayeen Somaliland.

“Qaar badan oo ka mid ahaa madaxdii aan la kulanay kuwa dawladda Maraykanka iyo ku-xigeenka xoghayaha guud ee UN-ka.

Waxyaabaha aanu kala hadalnay waxaa ka mid ahaa sidii ay Somaliland uga qayb qaadan lahaayeen kaalmooyinka dhinaca arrimaha bani’aadan-nimadda” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo isaga oo ku sugan dalka Maraykanka telefoonka ugu waramay weriyaha TV-ga qaranka Somaliland ee qaaradda Yurub.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply