Nuxurka Kulan Dhexmaray Gudoomiyaha Guurtida iyo Wefti Ka Socday Itoobiya

0
382

Hargeysa (Dawan): Guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka warbixiyay kulan ay wada yeesheen wefti uu hoggaaminayay guddoomiyaha dhaqanka ee qoomiyadda Oromadda ee dalka Itoobiya Dr. Beyina Sabeto.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta golaha Guurtidda Somaliland ee Hargaysa, ayaa diirradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland.

Guddoomiye Saleebaan oo faahfaahin ka bixinayay kulankaas waxa uu yidhi “Weftigan Itoobiya ka yimid aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa.

Siyaasadda ay noogu yimaadeen iyo ka warqabka xaaladda Somaliland ee ay u yimaadeen, waanu ku soo dhaweynaynaa, waanaga iyo wax wada qabsiga ay la socdeen.

Waxyaabaha aanu isla soo qaadnay waxaa ka mid ahayd xidhiidhka wanaagsan ee labada dal oo la sii wado, wax wada qabsigii oo sii kordha, adkaynta nabad-geliyadda oo aynu wada xoojino”.

Sidoo kale guddoomiye Saleebaan waxaa uu xusay in ay kala hadleen sidii ay xal ugu raadin lahaayeen Qoomiyaddaha Oromadda iyo Soomaalida ee in dhawaaleba ku dagaalamayay degmadda Mooyaale.

Saleebaan Maxamuud Aadan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa yidhi “Oromadda iyo Soomaaliduna waa kuwii waagii dhaweyd isku dhacay, oo geeska Afrika oo dhan marka leysku daro nus malyuun ayay ka noqonayaan, laandheerenimadduna xil bay leedahay in la yidhaaho ha leydinka arko weeyaan, oo wixii dhibaato ah ee idinka iyo Soomaalida idin dhex yaala ee arrinta Mooyaale ugu danbeysay qaboojiya waad daawaneysaane nagumay diidin”.

Geesta kale Dr. Beyina Sabeto oo ah odayga dhaqanka qoomiyadda Oromadda gadhwadeenka u ah oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in darriiqa kaliya ee horumar waara lagu heli karaa uu yahay iyadda oo labadda bulsho ee Somaliland iyo Itoobiya ay sameeyaan is-dhexgal dhanka ganacsiga ah.

Dr. Sabeto, oo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi “Horumarka iyo isbadelka dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga iyo nolosha dhan walba ah waxaa lagu heli kara aynu midowno, ee aynu is dhex socono, ee ganacsiga aan is waydaarsano, ee is-dhexgal aan sameyno ayaa lagu heli karaa horumar waaraa.

Markaa haddii qoomiyadda Oromiya amase Itoobiya iyo Somaliland mid waliba xadkeeda uun uu ku eekaado horumar iyo dhaqaale midna ma gaadheyno waa in aynu xadadka isaga gudubno, wada shaqeysano ganacsiga iyo xidhiidhadda kala duwanba in aynu sameysano, oo walaaltinimadda labada dal xoojino, xil gaara ayaa anaga hadii aanu nahay odayaasha iyo madaxdaba naga saaran”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply