“Madaxweynaha Somaliland Baarlamaankii ayuu la Qadeeyay halka Farmaajaha Soomaaliya ay Isaga Ridayaan Baarlamaankiisu” Xildhibaan Bidhi

0
406

Burco (Dawan): Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco ayaa madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyay kulankii Qaddada ahaa ee uu la yeeshay golaha Wakiiladda iyo sidoo kale shirkii lagaga wada tashanayay arrimaha doorashooyinka.

Tallaabadaasi oo uu ku tilmaamay mid guul ah oo Somaliland u soo hoyatay, isla markaana ka nixisay cadowga jamhuuriyadda Somaliland.

Xildhibaan Bidhi, oo shalay warbaahinta kula hadlay Burco ayaa is bar-bar dhig ku sameeyay kulankii madaxweynaha Muuse Biixi la yeeshay xildhibaanadda golaha Wakiiladda iyo xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee u dhaxaysa madaxweynaha dawladda Xamar iyo baarlamaankiisa.

Waxaanu sheegay in halka madaxweynaha Somaliland uu la qadeeyay 82-ka xildhibaan ee Wakiiladda oo 3da xisbi ka kala tirsan, halka taa bedelkeedda madaxweyne Farjaamaha Soomaaliya ay baarlamaankiisii isag ridayaan.

Xildhibaan Mubaarik Bidhi, oo arrimahaas ka hadlayay waxa uu yidhi “Madaxweynaha Somaliland wuu ku mahadsan yahay in uu golihii Wakiiladda oo ka kooban 82 xubnood oo ka kala tirsan 3da xisbi qaran, in uu Qaddo sharaf u sameeyay, oo ay kulmeen, oo ay is waraysteen. Waana guul runtii Somaliland u soo hoyatay.

Waxaan odhan karaa madaxweynahaygu anaga (Somaliland) baarlamaankii ayuu la Qadeeyay iyagoo isku duuban oo xisbiyadii qaranka kala metelaya, halka madaxweyne Farmaajaha Soomaaliya, baarlamaankiisii ay isaga ridayaan, ee aanu haynin ba”.

Waxaanu intaas ku daray “Markaa arrimahaasi laba sawir oo kala gedisan ayay muujinayaan, oo ah sida Somaliland iyo Soomaaliya u kala duwan yihiin.

Tallaabadaasi na, waa mid guul ah oo Somaliland oo dhan u soo hoyatay, cadowga Somaliland wuu ka naxay”ayuu yidhi xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi.

Dawannews Hargeysa office

 

 

Leave a Reply