Xildhibaan Maxamed C. Xirsi oo ka Hadlay Doorashooyinka Wakiilada iyo Degaanka

0
413

Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, ayaa soo dhaweeyay isfahamkii xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradku ka gaadheen in doorashooyinka golaha Wakiilada iyo Degaanku qabsoomaan sanadka 2019-ka.

Maxamed Cali Xirsi oo ka mid mudaneyaasha golaha Wakiilada Somaliland oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta waxa uu sheegay in golaha wakiilada dhamaystiri doonaan wixii xeerar ah ee hor taagan qabsoomida doorashooyinka dalka.

Waxaanu yidhi “Waan soo dhawaynayaa ka xildhibaan ahaan iyo ka gole ahaan isfahamka xisbiyadu ka gaadheen in doorashooyinka golaha Wakiilada iyo golaha degaanku qabsoomaan sanadka soo socda ee 2019-ka.

Caqabadaha hor taagan qasoomida doorashooyinka waxa ka mid ah xisbiga Waddani oo soo jeediyay in Komishanka doorashooyinka la kala diro, haddii arrintaas laga heshiiya na doorashooyinku bisha March way qabsoomi karaan”.

“Anagu ka xildhibaano ahaana diyaar ayaanu nahay in aanu samayno xeerarkii doorashooyinka lagu geli lahaa. Mana jirto Komishan aan ahayn kan jooga oo qaban kara doorashooyinka sanadka soo socda ee 2019-ka.

Mana dhici karto inta komishankan la bedelo in sanadka 2019-ka doorashooyinku qabsoomaan, waayo? Komishankan hadda joogaa diiwaangalintii ayay diyaariyeen, khibrad na way u leeyihiin. anagu na uma aragno danbiyo qaran oo ay galeen Komishanka doorashooyinku, oo ay sameeyeen oo xilka lagaga qaado”ayuu yidhi xildhibaan Obama.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa ka hadlay qado sharaftii uu madaxweynuhu u sameeyay golaha Wakiilada Somaliland. Waxaana uu yidhi “Waa markii u horaysay ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu casuumo mudaneyaasha golaha Wakiilada, waana sunaha dawladnimo in madaxweynuhu casuumo golaha wakiilada. Kulamo danbe oo joogta ahna way yeelan doonaan madaxweynaha Somaliland iyo golaha Wakiiiladu.

Bisha danbe madaxweynuhu khudbad sanadeedkii waxa uu ka hor jeedin doonaa labada gole ee Baarlamaanka”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply