Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha oo ka Warbixiyay Safar Shaqo oo uu ugu Maqnaa Wadamo Ka Tirsan Yurub

0
422

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo dastuurka ee Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo mudooyinka safar shaqo ugu maqnaa wadamo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa shalay dalka dib ugu soo loobtay.

Waxaana wasiirka garoonka diyaaradaha Hargaysa ku soo dhaweeyay agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiihka goleyaasha Maxamed Xuseen Dhabeeye, agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha Maxamed Xuseen Dhabeeye, oo soo dhawaynta wasiirka ka hadlayay waxa uu yidhi “Farxad weyn bay noo tahay in aanu halkan ku soo dhawayno wasiir Maxamed Xaaji Aadan, oo muddo ku maqnaa safar shaqo, oo hawlo shaqo ka soo qabtay wadamadda UK iyo Denmark”.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan, ayaa ugu horayn ka mahad naqay sida wanaagsan ee ay masuuliyiinta wasaaradiisa iyo xubnaha kale u soo dhaweeyeen. Waxaanu yidhi “Masuuliyiinta halkan igu soo dhaweeyay aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa.

Waxa kaloo aan u mahad celinayaa dhamaanba jaaliyadihii Somaliland ee aanu wadamadda dibadaha kula kulanay, wakhti duruufeed oo qabow ah si kalgacal iyo soo dhawayn iyo karraamo ay ku jirto noo soo dhaweeyay iyagoo aan kala hadh lahayn. Aad iyo aad baan ugu mahad celinayaa”.

“Dhamaanba guddoomiyeyaasha jaaliyaduhu ee Yurub, waxay noogu yimaadeen Ingiriiska. Shirkii weynaa ee uu madaxweyne ku xigeenku shir-guddoominayay ayay isugu yimaadeen. Nin walba na dalkii uu ka yimid, wixii uu ka keenay uu ka waramay, wixii uu gaynayay na aanu kala xaajoonay.

Sidoo kale waxaa si madax banaan iyagu na dhamaanba jaaliyadaha Somaliland ay noogu soo dhawaynayeen dalalka iyo degmooyinka ay kala degan yihiin”ayuu yidhi wasiir Maxamed Xaaji Aadam.

Geesta kale wasiirku waxa uu ka warbixiyay safarkaasi uu ku soo maray wadamadda Yurub ka tirsan iyo wixii uga soo qabsoomay. “Safarkaasi mid wanaagsan ayuu ahaa. Waxaanan ka qayb galay 25 kulan oo rasmi ah, marka laga raabo shirarka koob-koob naa. Shirarkaas 6 ka mida waxay ahaayeen jaaliyadaha Somaliland. 19-ka kalena waxay ahaayeen hay’addo dawladood oo kala duwan.

Hay’adahaas kala gedisan ee aan kulamadda la soo yeelanay, waxyaabo badan ayaanu ku soo heshiinay, waxyaabo bada na waanu uga waranay. Anagoo cid walba u qadimaynay qadiyadda Somaliland iyo madax banaanideedda iyo in ay mutaysatay qaran-nimadeedda iyo in la aqoonsado”ayuu yidhi wasiirka xidhiidhka goleyaasha.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply