Xildhibaan Baarlamaanka Soomaaliya ah oo Kashifay Shirqoollo Farmaajo u Maleegayo Somaliland oo ku Kacay Malaayiin Dollar

0
399

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Cabdillaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan baarlamaanka dowladda Soomaaliya, ayaa kashifay shirqoollo dhagaraysan oo uu Madaxweyne Farmaajo u soo maleegay jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana uu xaddi lacageed oo aad u tiro badan u adeegsaday duminta Somaliland.

Xildhibaanka oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka keenay Madaxweyne Farmaajo, ayaa intaa ku daray in uu u hayo caddaymo buuxa oo uu ku xaqiijinayo duullaanka uu Farmaajo ku qaaday Somaliland, xaddiga lacagta uu u isticmaalay iyo cidda lacagahaas ka soo saartay qasnadda dawladda ee loo adeegsaday.

Waxa kale oo uu intaa raaciyay in uu duullaamo kale uu ku qaaday qaar ka mid ah maamul goboleedka Soomaaliya ee ka tirsan dawladdiisa Federaalka.

Xidhibaanka oo ka qayb galayay dood aad u adag oo ay isku haleeleen xildhibaano difaacayay madaxweynaha mooshinku ka yaallo, ayaa yidhi. “Waxaan xoghaye ka ahaa guddiga maaliyada ee golaha shacabka, markaas xogogaal ayaan u nahay wixii dhaqaale dalka yimaada iyo sida loo mamaulay iyo halkay ku baxeen.” Waxaanu intaas raaciyay xildhibaanku “Waxa nasiib darro ah in lacagahaas la lunsaday intooda badan in loo isticmaalay burburinta Somaliland.”

Xildhibaanku wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu doonayay in lacagtaasi tirada badan lagu burburiyo Somaliland, “Waxaannu haynaa lacago aad u faro badan oo lagu bixiyay iyo ciddii ka qaaday qasnada dhexe oo loo adeegasday dhammaantood sida Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed. Inkasta oo dhaqaalaha ugu badan lagu bixiyay Somaliland burburinteeda,” ayuu yidhi.

Weriyihii doodda hagayay ayaa xildhibaanka weydiiyay inuu hayo cadyamo ku saabsan eedaymahan waxaanu yidhi xildhibaanku “Dad masuuliyiin ah oo waaweyn ayaanu nahay, haddaad u baahantahay haddaan kula wadaagi karnaa Telefishanka ayaan kaala wadaagi karaa caddaymaha.”

Hadalka xildhibaanka ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa caddaynaya in Madaxweynaha Soomaaliya saacad kasta ku jiro dagaal ka dhan ah Somaliland, isla markaana dadka shacabka ah iyo maatida uu madaxweynaha u yahay kaalmada loogu soo dhiibo uu u adeegsado dagaalka uu ku soo qaaday Somaliland oo aan kala joogsi lahayn.

Iyadoo Somaliland aanay jirin wax faro gelin ah oo ay ku hayso dawladda caalamku waardiyeeyo ee Soomaaliya isla markaana ay mar walba wanaag la rabto, balse ay taa bedelkeeda ay dawladda Xamar ku fooggan tahay mar walba dagaal ka dhan ah Somaliland, taas oo ay caddayntii ugu dambaysay ka soo baxday afka xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo waliba caddeeyay in uu hayo caddaymo rasmi ah oo uu bulshada la waadi karo oo laga tebin karo Tv-ga doodda u qabtay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply