Xukuumadda oo Jawaab adag ka Bixisay Hadal Xanaf leh oo ka Soo Yeedhay Dawldda Soomaaliya

0
430

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay Raysal wasaare ku xigeenka dawladda aan iskeed isu maamuli Karin ee Soomaaliya Mahdi Guuleed, kaasi oo nasiib-darro ku tilmaamay dhaqaalaha faraha badan ee Somaliland kaga baxa Qaadka Itoobiya, isla markaanay aanay jir wax maslaxad ah oo ay Somaliladn kaga bedelato Itoobiya dhaqaalaha kaash ka ee ay Qaadka ku iibsato.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Maxamuud ayaa sheegay in Somaliland ay dhaqaale badan ka hesho dalka Itoobiya, islamarkaana ay u iibgeyso inta badan agabka iyo alaabta la geeyo magaalo ganacsiyeedka Wajaale iyo dhammaan agabka ka soo dega dekadda Berbera.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Itoobiya waxaanu leenahay xidhiidh dhow oo ah xagga amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga, waa kuwa maalgashaday dekaddeena Berbera ee saamiga ku leh, Wajaale waa deked qallalan oo alaabta aan la soo degno inta badan waxaa inaga iibsada waa dalka Itoobiya, waxa aannu u iib gaynaa bagaashka, qalabka elegtarooniga ah iyo waxyaabo kale oo badan.”

Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay waddo qorshe kalluunka iyo millixda loogu iibgaynayo dalka Itoobiya iyo waddamada caalamka, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aannu doonaynaa in aanu u dhoofinno kalluunkeena iyo milixdeena dalka Itooibya, maaha in aanu u dhoofinayno Itooibya oo keliya, balse waxa aannu u dhoofin doonaa dunida oo dhan, dhawaan waxa aanu hashiis la galnay shirkad oo bisha kowaad Somaliland ka bilaabi doonta millixda.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply