“Somaliland Waxa Loola Macaamilaa Sidii Dal Madax Banaan” Dr Rosalind Raddatz Warbixin lagu daabacay Pulselive.com-Kenya

0
370

Nairobi-(Dawan):- “Raysal-wasaarahii hore Kenya, ahna Ergey Gaar ah ee Midowga Afrika Md Raila Odinga waxuu ku jiraa dedaalo madaxbanaani ku hesho Somaliland..” ayaa lagu sheegay warbixin Arbacadii hore lagu daabacay Pulselive.com ee dalka Kenya.

Warbixintan oo u soo diyaariyey weriye George Tubei, ayaa lagu bilaabay:

“Raysal-wasaarahii hore Kenya Md Odinga ayaa horkacaya baaqyada aqoonsiga Somaliland, isla markaana loo arkaa saaxiib qiimo u leh dedaalada madaxbanaanida Somaliland ee Soomaaliya.

Magacaabistiisii Ergeyga Gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Horumarinta Kaabayaasha, ayaa si dhow looga soo dhoweeyey Hargeysa, rajana ku qaba, Md Odinga oo saaxiib dhow u ahaa kaalin ka qaadan doono helitaankooda aqoonsi.

Inkastoo Md Odinga la filayey inuu ka soo qeybgalo shirweyne Maalgashiga Somaliland oo dhowaan lagu soo gebagebeeyey magaalada Nayroobi, ayaan suurtoobin, saamaynta talaabada iyo qeylo Soomaaliya ka samayso ayuu uga baaqday, balse waxa la sheegay inuu si gaar ah u qaabilay madaxdii Somaliland.

“Waxaan doonaynaa in shirweynaha Maalgashigu u furo Somaliland ganacsatada Kenya iyo Barriga Afrika,” ayuu sheegay, Amb. Bashe Omar, Wakiilka Somaliland ee Kenya.

“Waxa jira dhinacyo badan oo iskaashi aanu ka yeelan karno Kenya iyo wadamadda Barriga Afrika. Waxaan filaynaa in ganacsiga Kenya soo gaadho Somaliland, sidoo kalena, Somaliland u dhoofiso Xoolaha nool dalalkaa.” Ayuu raaciyey.

Wadaxaajood la xidhiidha iskaashi dhexmara dekedaha Berbera iyo Mombasa ayaa laysla soo qaaday.

Somaliland ayaa doonaysa in duulimaadyo toos ah Nayroobi iyo Hargeysa bilaabmo, taasoo Amb Baashe sheegay inay kordhin doonto isdhexgalka labada shacab.

Shirkada Diyaaradaha Kenya ayaa muujisay doonistooda duulimaadyo ay ku tagaan caasimada Somaliland ee Hargeysa. kenya ayaa jeclaysanaya iskaashi ganacsi iyo siyaasadeed dhexmara Hargeysa, halkay ahaan lahayd Mogadisho.

“Kaalaya, aanu wada shaqeyn ka yeelano dhisida dalkan nabada ah ee Somaliland, oo fursado badan ka jiraan,” ayuu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), kuna dhiirigeliyey ganacsatada Kenya inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashiee dalkiisa ka jira.

Marka laga yimaado ganacsiga, labadii maalmood ee shirweynaha, waxa si weyn looga dareemayey dedaalada lagu raadinayo qadiyada madaxbanaanida caalamka ee Somaliland.

Md Odinga keli kuma aha, saaxiibada qadiyada madaxbanaanida Somaliland dhiirigeliya, Wasiirka Ganacsiga Kenya Md Peter Munya, ayaa sidoo kale marar kala duwan carabka ku dhuftay qadiyada Somaliland, weliba xilli uu ahaa Gudoomiyaha Badhasaabada Kenya.

Dr Rosalind Raddatz, Khabiir culuumta Siyaasada ka dhiga Jaamacada Aga Khan, ayaa sheegay inkastoo aanu jirin aqoonsi caalami ah oo Somaliland haysato, dhinac kasta waxay u dhaqantaa sida dal madaxbanaan, caalamkuna sidaa ayuu ula macaamilaa.

“Dhamaan qorshayaasheeda iyo dannahooda, Somaliland waxa loola macaamilaa sidii dal madaxbanaan,” ayuu sheegay Dr Raddatz, oo waaya-aragnimo u leh xalinta khilaafaadka iyo wada-xaajoodyada.

Ururka Midowga Afrika, Ururada xalinta Khilaafaadka, gaar ahaan, ICG ayaa dhamaantood si weyn u taageeray qadiyada madaxbanaanida Somaliland

Markaa in Somaliland gaadhi doonto hadafkeeda madaxbanaanida, ayuu Dr Raddatz sheegay inay muuqato mid la eegi doono, laakiin, tahay meel cajiib ah.

“Somaliland, xaqiiqdii, waa meel cajiib ah, marka loo eego inta kale Soomaaliya, laakiin, intaasi u saamaxdo madaxbanaani, waxay ku xidhan tahay dhinacaad iska taagto, gaar ahaan qaadhaan-bixiyeyaasha ayaa ula macaamila Somaliland, sidii dal madaxbanaan, balse, in mowqifkaasi u saamixi doono inay si rasmi ah gaar uga noqdaan inta kale waa arrin doodeeda leh.”

Gebgebadii, Dr Rosalind ayaa sheegtay in Somaliland noqoto dal madaxbanaan maalin, maaha wax laga werwero ama laysku dayo in dib loo dhigo, arrinkaa awgeed.

“Baddi Soomaalidu kama duwana Kenyaanka, waxay raadinayaan inay qoysaskooda taageeraan, waxay raadinayaan fursadaha, markaa looma baahna inaad fogeysato aqbalaada aqoonsigooda,” ayey tidhi Dr Rosalind, khabiir arrimaha Xuquuqal-insaanka, Qaxootiga u ololeeya.

Dadka qaar ayaa ku dooda in wadamadda yaryar ka nidaam iyo dhisme wanaagsan yihiin kuwa waaweyn, oo baddi lagu arko culayska deymo badan, musuqmaasuq, iyo culaysyo dagaaladeed.

Wadamadda sida Denmark, Iceland, Sweden, Switzerland, Holland iyo New Zealand ayaa gebi ka mid ah wadamadda ugu deggen caalamka, sida warbixinta Farxada Caalamka lagu shaaciyey.

Sidoo kale, wadamadda yaryar ayaa aafada musuqmaasuqu ku yaryahay, marka loo eego kuwa waaweyn. Somaliland, ayey ka muuqdaan dhamaan dabeecadaha wadan yar oo nabdood, isla markaana faraxsan.

Haddaba, guntii, in Md Odinga ku guulaysan doono dedaaladiisa, waa la eegi doonaa, balse waxa haboon inuu biloga ololahiisa ka dhigo Nayroobi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply