Gamaal Baaxad oo la Soo Dhaweeyey Kana Tanaasulay Dibad-joognimadii

0
414

Bohol (Dawan):-Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin(Tiimbaro) iyo madaxda ciidammada kala duwan ee gobolka Sanaag ayaa tuulada Bohol oo qiyaastii 63 KM dhinaca koonfureed kaga beegan degmada Ceelafweyn ee gobolka Sanaag, ku qaabbilay kuna soo dhaweeyay kulammona kula qaatay taliye Gamaal Baaxad iyo jiif-caaqil Maxamuud Nuux Maxammed (caaqilka beesha kornayl Caarre), oo dib uga soo noqday fikirkii dibad joogga ahaa ee ay ku raaceen kornayl Caarre oo ka fallaagoobay ciidanka qaranka Somaliland.

Kulanka guddoomiye Tiimbaro iyo madaxda la socotay ay kaga hor tageen Gaashaanle Gamaal iyo caaqilka iyo ciidanka la socda ee dib ugi soo noqday dalkooda ayaa ahaa mid lagu soo dhawaynayay Gamaal iyo caaqilka iyociidanka la socday oo dib uga soo noqday jabhadayntii iyo fikirki qaldanaa ee ay dibed joogga ku ahaayeen.

Waxaanu kulankaasi ku qabsoomay jawi wanaagsan oo labada dhinac si meeqaam sare leh isku qaabileen.

Dhinaca kale Gaashaanle Gamaal Baaxad iyo ciidanka iyo gaadiidka uu wato iyo caaqilka la socda,ayaa markii kulanka ay la qaateen guddoomiyaha gobolka Sanaag iyo madaxda ciidamada ee heer gobol ay ku wada qaateen Tuulada Bohol ka dib waxay Gamaal Baaxad iyo ciidankiisu u soo amba bexeen dhanka deegaanka Ood iaydoo lagu soo dhawaynn doono oo madaxda ciidanka qaranka ee aagga bari ay ku sugayaan taliska aagga bari ee ciidanka qaranka oo ah degmada Oog.Taliye Gamaal baaxad ayay wararku sheegayaan in uu wato laba gaadhi iyo ciidan ka soo noqday fikirkii qaldanaa ee uu hormoodka ka ahaa sarkaalka ciidanka qaranka ka fallaagoobay ee Caarre ee dibad joogga ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply