Xukuumadda oo Xadhiga Ka Jartay Waddooyin Laga Dhisay Gobolka Gebiley

0
431

Gebiley (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xadhigga ka jaray waddooyin cusub oo laga hirgeliyey magaalooyinka Arabsiyo iyo Gabiley.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Gabiley, ayaa xadhigga ka jaray waddooyinka cusub ee maamulka dowladda Hoose ee gobolka Gabiley ku fuliyeen xaafadaha kala duwan ee magaalooyinka Gabiley iyo Arabsiyo.

Madaxweynaha oo ku guda jira safar shaqo uu ku tegay deegaanno hoos yimaadda gobolka Gabiley, ayaa sidoo kale kormeeray mashruuca wax soo saarka beeraha ee banka Wajaale, waxana uu indhihiisa shaqo lagu jarayo hadhuudh iyo badar kala duwan oo mashruuca ay wasaaradda Beeruhu gacanta ku hayso ee Banka Wajaale kasoo go’ay

Maayirka magaalada gebiley Maxamed Cumar Cabdi ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey wadooyinka ay ka hirgeliyeen deegaanada arabsiyo iyo gebiley waxana uu ydihi “ Madaxweyne waxaanu jeclnahay in aad xadhiga nooga jarto wado hal km oo ah oo markii ugu horaysay taariikhda aanu arabsiyo u samaynayn iyo waddo afar haad ah oo dhexmarta degmada Gebiley oo aanu ugu talo galnay in ay kor u qaado isku socodka iyo bilicda magaalada “

Guddoomiyaha gobolka Gebiley ayaa sheegay in ay jiraa mashaariic ay xukuumadda dhexe ka wado guud ahaan gobolka , waxana uu yidhi “ Waxa jira mashaariic badan oo gobolka ka socda oo ay ka hirgelinayso dowladda dhexe ee Somaliland , hadda madaxweyne noo baarig oo xagga nooga jar labadaa wado”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply