Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha gollaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, mudane Maxamuud Jaamac Warfaa, ahna xildhibaan ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland ayaa ka hadlay kulankii madaxweynaha Somaliland la yeeshay madaxweynaha Kililka Shanaad ee Itoobiya, kulankaasi oo uu ku sifeeyay guul u soo hoyatay qaranka Somaliland.
Waxa kale oo uu sheegay in kulanka labada madaxweyne diirrada lagu saaray qodobbo dhawr ah oo ay ka mid yihiin, is-dhexgalka labada bulsho, isu socodka labada dhinac, sidii wax loo wada qabsanlahaa, iyo wax walba oo dan u ah labadda dawladood.
Guddoomiyuhu waxa uu sidan ka sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi “Kulankii ay labadda madaxweyne ee Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha dawladd deegaaneedka Soomaalida Itoobiya mudane Mustafe Muxumed Cagjar, ay isku arkeen dhanka Somaliland ee degmadda Wajaale waxaa uu ahaa mid aad u qiimo badan, waxaana safarkaasi ku kulmay labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyo golayaasha wasiiradda ee labada dhinac, iyo ganacsato ka socotay Somaliland, shirar doceedyo dhawrana waa la galey, ganacsiga ayaa laga hadley, wax wada qabsiga ayaa laga hadlay, isu-socodka labadda dhinac, is dhex galka wax walba waa laga hadlay, sidii loo fududeyn-lahaa bulshadduna waa mid isku mid ah oo aan xagan iyo xagaa kala laheyn, maamul ahaan haku kala duwanaadan laakiin waa dad is ah, waxaana labada dhinacba uga soo hoyatay guul wax ku ool ah oo la taaban karo aad iyo aadna u qiimo badan”
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, ayaa intaa raaciyay “Madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa uu kulankaasi ka soo hooyay guul wax ku ool ah oo la taaban karo, waayo barigii hore waxaa aynu eegi jirnay uun xaga shishe, dhabtuna waxay aheyd halka ina khuseysa ee muhiimadda leh inaynu mar walba ka bilowno xidhiidhkeena iyo is dhexgalkeenuna waa halkan Kililka Shanaad, markaa maanta ayay taasi si wanaagsan u hirgashay, marka safarkani waxaa uu ahaa mid guul ku soo dhammaaday”
Dawannews Hargeysa office