Mudane Saylici oo Kormeeray Mashaariic Horumarineed ee ka socda Oodwayne

0
425

Oodweyne (Dawan)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa shalay socdaal shaqo ku gaadhay magaaladda Oodweyne ee gobolka Daad-madheedh.

Waxaanu Madaxweyne ku xigeenku degmada Oodweyne ugu bushaareeyay in xukuumadda dhexe u laban laabtay kabkii ay siin jirtay degmada Oodweyne isla markaana looga fadhiyo in ay horumarka ay hore u sameeyeen in ay sii laban laabaan oo ay sii kordhiyaan loogana fadhiyo in ay dhankooda deg deg u bilaabaan mashaariicda horumarineed ee degmada loogu talo galay.

Waftiga Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxa magaaladda oodwayne ku soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan dagmadaasi iyo madaxda maamulka gobolka daad-madheedh.

Madaxweyne ku xigeenka oo kulan ballaadhan la qaatay maamulka heer dagmo iyo heer gobol ee gobolka Daad-madheedh iyo degmada Oodweyne oo uga xog warramay halka uu marayo barnaamijka maamul-daadajinta ee JPLG-ga loo yaqaano, iyagoo xusay masuuliyiintaasi in barnaamijkaasi uu wax badan ka taray dagmadda Oodwayne isla markaana uu kafeeyay horumar badan oo dagmadu u ciillanayd.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo soo xidhay kulankaas is xog-waraysiga ah ayaa maamulka gobolka iyo heer degmaba amar ku siiyay in ay laban laabaan barmaamijyada horumarineed ee ka socda Oodwayne.

Waxaanu madaxweyne ku xigeenku sheegay in loo laban laabay dagmooyinka kabkii ay siin jirtay dawladda dhexe taa badalkeedana looga fadhiyo in dagmo kastaaba horumar muuqda in ay samayso.

Waxaanu Madaxweyne ku xigeenka oo arrimahaa ka hadlayaa uu yidhi “Socdaalkaygan maantu (shalay) waxa uu la xidhiidhaa sidii aanu u soo kormeeri lahayn mashaariicda horumarineed ee ka socda Oodwayne, waxaanu dabagalaynaa waxa ka qabsoomay mashruucii maamul-daadajinta ee JPLG-ga, waa ALLAAHAY mahaddii oo horumar badan ayaa muuqda, waxa kale oo aan idiinku bushaaraynayaa ka dagmo ahaan in la idiin laban laabay kabkii ay dawladda dhexe idin siin jirtay, waa inaad ka faa’idaysataan oo dhakhso horumar ku sam aysaan.”

Maayerka dagmadda Oodwayne Cabdixakiin Nuur Muuse oo weftiga madaxweyne ku-xigeenka warbixinta sanadlaha ah ee mashruuca maamul-daadejinta ee JPLG-ga siinayay ayaa yidhi “Halkan waxa sanadkii ugu dambeeyay laga hir-geliyay mashaariic tiro badan oo ay xannaanadda hooyadda iyo dhalaanku ka mid tahay, waddooyin, xarumo Wasaaradeed oo la qalabeeyay ayaa ka mid ah iyo guud ahaan xafiisyadii gobolka, annaga oo ka faa’iidaysanayna mashruuca maamul-daadejinta ee JPLG-ga ayey noo qabsoomeen arrimahaasi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply